Monday, September 16, 2024

James Swan oo Golaha Ammaanka uga warbixiyay xaaladda Soomaaliya

New York (Dawan)- Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa warbixin dhinacyo badan taabanaysa siiyay Golaha Ammaanka taas oo la xiriirta arrimaha ka jira Soomaaliya, sida amniga, siyaasadda, dib u eegista dastuurka, arrimaha bini’aadantinimada, iyo xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Amniga

Swan waxa uu bogaadiyay howlaggallada ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, isaga oo kooxda ku ku cambaareeyey falalka ka dhanka ah dadka rayidka ah.

“Ilaalinta dadka rayidka waa inay ahaato mudnaanta koowaad. Waxaan cambaareyneynaa weerarrada argagixisanimo, waxaana tacsi u direynaa qoysaska laga dilay dadkooda,” ayuu yiri Swan.

Wuxuu tilmaamay in dalka laga saaray 5,000 oo askari oo ka tirsan ATMIS ah tan iyo June 2023 tillabadaas oo qayb ka ah qorshaha kala guurka ee amniga dalka lagu wareejinayo ciidamada amniga Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ay jirto baahi dhanka kaalmada ciidamada ah .

“Amnigu waa mudnaanta koowaad ee dowladda Soomaaliya. Dhammaan saaxibada caalamku waa in ay damaanad qaadaan maalgelinta agabyada lagama maarmaanka u ah ATMIS, oo weli la daalaa-dhaceysa dhaqaalo xumo”.

Dhamaystirka Dastuurka

Swan waxa uu Soomaaliya ku ammaanay horumarka ay tillaabsatay oo ay ku jirto ka mid noqoshada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 2025-2026, iyo dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan dib-u-habaynta dastuurka iyo hannaanka doorashada.

“Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa uu wax ka bedel weyn ku sameeyay Dastuurka kumeel gaarka ah , isagoo dib u xaqiijinaya sida ay uga go’an tahay in la helo qaab doorasho oo hal qof iyo hal cod ah,”

Isaga oo isla arrintan ka hadlaya ayuu dhinacyada kala duwan ugu baaqay in ay xal ka gaaraan khilaafaadka ka jira dhamaystirka Dastuurka ” Waxaan ugu baaqayaa dhammaan saamilyeda Soomaaliyeed inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii ay u xallin lahaayeen khilaafaadkooda ayna u gaari lahaayeen heshiis la isku raacsan yahay”

Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ee badda

Dhinaca kale, waxa uu walaac ka muujiyey heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya iyo Somaliland wada galeen billowgii sannadkaan, kaas oo dhalay khilaaf xoogan oo soo kala dhex gala Itoobiya iyo Soomaaliya, wuxuuna ku baaqay in la ixtiraamo madax-bannaanida Soomaaliya iyo in xiisadda taagan lagu xalliyo si nabad ah.

“Waxaan ku dhiirigelinayaa Soomaaliya iyo Itoobiya inay arrinta ku xalliyaan si nabad ah iyadoo la raacayo mabaadi’da madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee ku cad Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah”

Xaaladda Bini’aadantinimo

Swan waxa uu carrabka ku dhuftay in abaaraha soo noqnoqday, fatahaadaha roobabka, cudurada iyo amni xumada ka jirta meelaha qaar in ay uga sii dareen xaaladda Bini’aadantimo ee dalka ka jirta, wuxuuna ka codsaday dunida in ay ka qayb qaataan sidii gargaar degdeg ah loo gaarsiin lahaa dadka wajahaya xaaladaha adag.

“Xaaladda Bini’aadantinimo ee Soomaaliya weli waa mid aad u liidata. Wax ka qabashada baahiyaha Bini’aadantinimo ee Soomaaliya 2024 waxey u baahantahay $1.6 bilyan. Waxaan ka codsanayaa saaxiibada caalamiga ah inay bixiyaan dhaqaalaha lagama maarmaanka ah”

Matalaadda Haweenka

Swan wuxuu xusay inay lagama maarmaan tahay in shuruucda dalka lagu daro kootada dumarka si loo dammaanad qaado matalaad macno leh oo ay haweenku ku yeeshaan go’aan ka gaarista siyaasadda dalka.

“Qaramada Midoobay waxey la wadaageysaa dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah muhiimadda ay leedahay kordhinta iyo habaynta ka qaybgalka siyaasadda ee haweenka.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadahadal la billowday Ergada Siyaasadda ee Howlgalka Qarammada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, kaas oo ay ujeeddadiisu tahay sidii loo soo geba gebeyn lahaa howlaha Xafiiskaas, sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Sida qorshuhu yahay,  Howlaha xafiiska siyaasadda Qaramada midoobay waxaa qaarkood la wareegi doonta Dowladda Soomaaliya, qaar kalena waxaa sii wadi doona Xafiiska Qarammada Midoobay ee kan beddeli doona oo ah mid la nooc ah xafiisyada Qaramada Midoobay ay ku leedahay dalalka caalamka badankood

Soomaaliya ayaa loo doortay horaantii bishaan in ay ka mid noqoto xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka muddo laba sano ah oo ka billaabmaya 1-da January ee sannadka soo socda.

Soomaaliya waa markii labaad ee ay ka mid noqoto Golaha Ammaanka, iyada oo marki ugu horeysay ay ahayd sannadkii 1971-1972, waxaana lagu xasuustaa in ay kaalin wayn ka qaadatay difaacidda qaddiyadihii xaqa ahaa xilligaas iyo u doodidda bulshooyinkii ku hoos noolaa gumeysiga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here