Thursday, October 3, 2024

James Swan oo Golaha Ammaanka warbixin ka siiyay xaaladda Soomaaliya

New York (Dawan)- Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan ayaa maanta warbixin ka siiyay Golaha Ammaanka xaaladda Soomaaliya, isaga oo xusay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya weli diiradda u saareyso arrimaha mudnaanta u leh Qaranka, oo ay ka mid yihiin dib-u-eegista dastuurka iyo hannaanka doorasho ee qof iyo codka ah, iyadoo Golaha Wasiirrada Federaalka ay ansixiyeen saddex xeer oo muhiim ah oo la xiriira doorashooyinka.

Arrimaha Doorasahooyinka

Dhanka doorashooyinka, Mudane Swan wuxuu sheegay in ansixinta shuruuc doorasho oo la hirgelin karo iyo in la dhiso guddiga doorashada madaxa banaan ay noqon doonaan tilmaamo muhim ah oo muujinaya horumarka laga gaari karo doorasho qof iyo cod ah – wuxuuna ballanqaaday in Qaramada Midoobay, ay ka taageeri doonto wax ka qabashada caqabadaha farsamo, saadka iyo kuwa kale iyo in la abaabulo taageero dhaqaale oo laga helo deeq-bixiyayaasha si loo gaarsiiyo doorasho waqtigeeda ku dhacda oo lagu kalsoonaan karo.

Arrimaha Amniga

Dhanka amniga, La-dagaalanka Al-shabaab waxa uu xusay in ay ka mid tahay ahmiyadaha koowaad ee amniga Soomaaliya, isagoo u sheegay Golaha Ammaanka in dowladda Soomaaliya ay waddo dadaallo wax ku ool ah iyadoo kooxda (argagixisada ahna ) ay sii waddo in aysan ixtiraamin nolosha rayidka iyaga oo adeegsanaya madaafiic ay ku beegsanayaan xarumaha dadweynaha, qaraxyo iyo weerarada ismiidaaminta – “Waxaan hoosta ka xariiqayaa cambaareynta ay soo saareen QM ee weerarradaas, waxaana ku celinayaa taageerada Qaramada Midoobay ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo u taagan la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha wata,” ayuu yiri.

Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

Ku-simaha Ergeygu waxa uu xusay inuu ka walaacsanyahay sii socoshada xiisadaha gobolka ka dib is-afgaradkii lagu dhawaaqay 1-dii Janaayo ee u dhexeysay Itoobiya iyo Somaliland, isagoo ammaanay dadaallada dhexdhexaadineed ee saaxiibbada caalamiga ah, waxa uu xusay go’aankii Golaha Ammaanka ee lagu xaqiijinayey madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isagoo ku boorriyey Itoobiya iyo Soomaaliya in ay iska kaashadaan sidii loo heli lahaa xal dublamaasiyadeed, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah.

Arrimaha Bini’aadantinimo

Dhanka baahiyaha bini’aadantinimo ee Soomaaliya, Mudane Swan waxa uu hoosta ka xariiqay in ay weli yihiin kuwo muhiim ah – “Xaaladda isbadalka cimilada oo sii xoogaysanaysa, colaadaha, cudurrada dillaaca iyo saboolnimada baahsan ayaa saameeynaya malaayiin Soomaaliyeed, dalkuna waxa uu ku jiraa xaalad baahi bini’aadantinimo oo ba’an. Waxaan ku baaqayaa in taageero dheeraad ah oo dhan $1.6 bilyan 2024 lagu bixiyo Baahiyaha Bini’aadantinimada iyo Qorshaha Jawaab celinta, kaas oo kaliya 37% la maalgeliyo,” ayuu yiri.

Wadashaqaynta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay

Mar uu ka hadlayey Soo jeedinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan kala guurka UNSOM ee kooxda QM ee Soomaaliya (UNCT), ee loo gudbiyey Golaha Ammaanka ee QM 30kii Agoosto, Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Swan wuxuu carrabka ku dhuftay sida soo jeedinta Soomaaliya ay uga dhalatay wadahadal wax ku ool ah oo dhex maray koox farsamo oo wadajir ah oo ka tirsan QM iyo DFS, iyo la tashiyo lala yeeshay madaxda Soomaaliya – “Waxaan rajeyneynaa inaan si dhow ula shaqeyno dowladda Federaalka si loo hirgeliyo xilliga kala guurka, iyo inaan sii wadno taageerada Qaramada Midoobay ee mudnaanta qaranka Soomaaliya marka la helo ogolaanshaha Golahan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here