Wednesday, October 23, 2024

Jigjiga… 75 dhallinyaro ah oo la baray xirfado ay noloshooda ku maareeyaan

Jigjiga (Dawan)- Munaasibad qalinjabin ah ayaa loo qabtay 75 arday oo muddo 3 bilood ah baranayay xirfado gaagaaban oo ay bixiso Kulliyadda Xirfadaha Kala Duwan ee Magaalada Jigjiga. Barnaamijkan waxbarasho oo ay si wadajir ah u soo diyaariyeen Kulliyadda Xirfadaha iyo Hay’adda ILO, ayaa waxaa ka faa’iidaystay dhalinyaro laga soo xulay magaalada Qabribayax iyo dadka qaxootiga ah ee ku sugan magaaladaas.

Dhalinyarada qalinjabisay waxay muddo saddex bilood ah baranayeen xirfado kala duwan oo ay ka mid yihiin layr-galinta, cunto karinta, qurxinta dumarka, iyo farsamada biyo-galinta, kuwaas oo gacan ka geysanaya kor u qaadidda shaqo-abuurka iyo xirfadaha shaqo ee deegaanka.

Munaasibadda qalinjabinta oo si weyn loo soo agaasimay waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiir Ku-xigeenka Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo Abuurka Dowlad Deegaanka Soomaalida, Marwo C/casiis; Maareeyaha Kulliyadda Xirfadaha Kala Duwan ee Jigjiga,  Nasri Axmed Jaamac; iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Faafan, Mudane C/laahi Axmed. Masuuliyiintan ayaa ardayda ku dhiirri-geliyay inay xirfadaha barteen uga faa’iideeyaan bulshada, iyagoo sheegay in barnaamijkan uu yahay mid kor u qaadaya fursadaha shaqo ee dhalinyarada iyo dadka ku nool deegaanka.

Wasiir Ku-xigeenka Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo Abuurka , Marwo C/casiis, oo hadal u jeedisay ardayda, ayaa hambalyo iyo dardaaran ku siisay inay sii wadaan dadaalka ay ku horumarinayaan xirfadahooda, iyadoo sheegtay in waxbarashada noocan ahi ay tahay mid muhiim ah oo kaalin weyn ka qaadan karta shaqo-abuurka iyo horumarinta bulshada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here