Jigjiga, Itoobiya – Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafa Maxamed Cumar, ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay wafdi sare oo ka socday Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), kuwaasoo uu hogaaminayey Madaxa UNDP ee Itoobiya, Sam.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray baahida biyo ee ka jirta deegaanada qaar, gaar ahaan meelaha xaaladooda aadka u liidato ee u baahan biyo nadiif ah oo degdeg ah. Intii uu socday kulanka, waxaa lagu soo bandhigay warbixin dhameystiran oo ku saabsan xaaladda biyaha, taasoo horseedday in la isku raaco in si rasmi ah magaalada Jigjiga looga daahfuro mashruuca qodista 20 ceel biyo ah.
Mashruucan, oo wajigiisa koowaad laga hirgelinayo 9 goobood oo kala duwan, ayaa sidoo kale xoojin doona ilihii hore ee biyaha si kor loogu qaado helitaanka biyo nadiif ah. Qiimaha guud ee wajiga koowaad ee mashruuca ayaa lagu qiyaasay $6 milyan, iyadoo $5 milyan ay bixineyso hay’adda Save halka UNDP ay gacan ka geysaneyso $1 milyan.
“barnaamijkaan wa wajiga kowad dhwan waxa lagu dhaqajin dona 6million dollar oo wax lagaga dari dono bahiyaha ” ayuu yiri Axmed Miraad, Wasiirka Xafiiska Biyaha DDS.
Mashruucan ayaa daba socda dadaallo hore oo dowlad deegaanka iyo hay’adaha caalamiga ah ay ugu jireen sidii taageero dheeraad ah looga heli lahaa meel ka baxsan miisaaniyadda dowladda, si wax looga qabto baahiyaha deegaanka ee taagan.