Monday, December 23, 2024

Jigjiga… Manhajka cusub ee Afka Carabiga oo laga dooday

Jigjiga (Dawan)- Magaalada Jigjiga ayaa lagu qabtay kulan looga hadlayay hirgelinta iyo qiimaynta manhajka cusub ee Afka Carabiga, kaas oo qeyb ka ah qorshaha horumarinta waxbarashada ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS). Kulankan, oo uu soo qabanqaabiyay Xafiiska Waxbarashada DDS, waxaa ka soo qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin culimo’, odayaal-dhaqameed, aqoonyahan, haweenka, iyo marti-sharaf kale.

Manhajkan cusub, oo loo dejiyay in lagu xoojiyo barashada luuqadda Carabiga, ayaa ku cusub deegaanka. Ujeedada kulanka ayaa ahayd in la helo wada-tashi bulsho ku salaysan, si loo xaqiijiyo in manhajka cusub uu waafaqsanaado baahiyaha waxbarasho ee deegaanka, isla markaana uu kobciyo xirfadaha luuqadeed ee ardayda.

Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray geeddi-socodka diyaarinta manhajka, muhiimadda uu leeyahay, iyo sida uu uga jawaabi karo baahiyaha waxbarasho iyo dhaqameed ee deegaanka. Intii uu socday, waxaa lagu soo bandhigay doodo kala duwan oo laga yeeshay manhajka iyo aragtida bulshada ee ku aaddan hirgelintiisa.

Isbedelkii ka dhacay dalka Itoobiya ayaa ogolaatay in siyaasadda manhajka waxbarashada lagu soo daro luuqadaha ajaanibka, taas oo horseeday in golaha wasiiradda ee DDS ay dhawaan ansixiyeen in fasallada hoose ee dugsiyada deegaanka lagu soo daro barashada afka Carabiga.

Kulanka ayaa sidoo kale xoogga saaray sidii loo horumarin lahaa nidaamka waxbarasho ee deegaanka, iyadoo la xoojiyay wada-shaqeyn dhexmarta bulshada iyo madaxda waxbarashada, si loo gaaro hadafyada lagu xoojiyay manhajka cusub ee luuqadda Carabiga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here