Jigjiga (Dawan)- Magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaaliada, waxaa markii ugu horeysay laga hirgeliyay Xarunta Dayactirka qalabka Caafimaadka, oo loogu tala galay inay daboosho baahidii deegaanka ka haysatay dhanka dayactirka qalabka caafimaadka.
Xaruntan ayaa ka qeyb qaadan doonta hormarinta adeegyada caafimaadka ee deegaanka, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaaliada u qaabilsa dhanka caafimaadka.
Goobaha caafimadka ee ku yaal Dowlad Deegaaanka Soomaalida waxaa soo wajihi jray caqabado badan iyo cellado ku yimaada qalabyada caafimaadka, balse hadda waxay mas’uuliyiintu sheegayaan in arrintaas xal loo helay.
Hadda ka hor deegaankeena waxaa ka jiray haddii lasoo iibiyo qalab caafimad laguna shaqeeyo muddo inay cellad ku timaado. Waxaa lagayaaba iyada oo aan laga haagaajin celladi in qalab kale loo baahdo oo lasoo iibiyo. Hadda kadib goobtan waxay noqon doontaa goob lagu dayactiro qalabyadaas kala duwan. sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Wasiir ku xigeenka caafimaadka Dowlad Deegaanka Soomaaliada, Maxamed Ayaanle Xasan.
Dayactirka qalabka caafimaadka ee isbitaallada deegaanka Soomaalida ayaa la filayaa inay Isbedal weyn ku sameeyaan tayada adeegyada Caafimaadka.