Thursday, December 5, 2024

Jubaland: Diyaarad kama degi karto Raas-kambooni

Kismaayo (Dawan)- Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jubaland ayaa digniin adag u dirtay shirkadaha diyaaradaha ee ka shaqeeya Soomaaliya, iyada oo la socodsiisay inaysan ka degi karin garoonka diyaaradaha ee Raas-kambooni . Digniintan ayaa salka ku haysa xiisadda ka jirta deegaankaas, taas oo Jubaland ay ku tilmaantay mid halis ku ah badbaadada rakaabka iyo hantida dadwaynaha.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jubaland, Cabdullaahi Dubbad Shiil, ayaa sheegay in shirkadi dhegaha ka fureysata digniintaas ay mas’uul ka noqon doonto cawaaqibka ka dhasha. Wasiirka ayaa ku adkeeyay shirkadaha inay raacaan amarrada Wasaaradda ee ku aaddan ka fogaanshaha aagga Raas-Kambooni.

“Xaaladda colaadeed ee ka jirta Raas-kambooni waa mid halis ah, waxaana muhiim ah in la ilaaliyo badbaadada dadka iyo hantida Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiirka oo war-saxaafadeed soo saaray.

Wasaaradda ayaa sidoo kale xustay in dhammaan shirkadaha bixiya adeegyada duulimaadyada ay waajib ku tahay inay la shaqeeyaan maamulka garoomada ee Jubaland, iyada oo la fulinayo amarkii wasaaradda kasoo baxay 30-kii November, waxayna Jubaland ay ku goodisay in tallaabo adag laga qaadi doono shirkad kasta oo jebisa amarkaas.

Digniintan ayaa kusoo beegmeysa xilli Raas-kambooni ay xuddun u noqotay isqabqabsiga siyaasadeed ee u dhexeeya Jubaland iyo dowladda federaalka kadib markii ay xarun ka dhigteen ciidamo ka amar qaata dowladda federaalka, taas oo dhalisay walaac ku saabsan xaaladda amniga ee gobolka. Mas’uuliyiinta ciidamadaas hoggaaminaya waxay warbaahinta u sheegeen inay ka shaqeyn doonaan ammaanka deegaanka, halka maamulka Jubaland uu arrintaas u arko faragelin iyo weerar lagu soo qaaday.

Dadka deegaanka Raas-kambooni ayaa ka cabsi qaba in xiisaddani isu beddesho dagaal toos ah, maadaama labada dhinac ay ku jiraan ciidamo aruursi iyo hadallo dhiillo wata oo hawada la isku mariyay.

Waxaa muuqata in xaaladda Raas-kambooni ay faraha kasii baxeyso, iyada oo aysan jirin dadaallo muuqda oo lagu xallinayo khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo dowladda federaalka. Xiisaddan ayaa saameyn ku yeelatay isku socodka dadweynaha iyo ganacsiga, iyada oo digniinaha noocan ah ay sii kordhinayaan cabsi laga qabo isku dhacyo cusub.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here