Kismaayo (Dawan)- Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa maanta ka qabsoontay magaalada Kismaayo, halkaas oo Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan mar kale loo doortay inuu sii hayo xilka Guddoomiyaha Golaha.
Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, oo hore u ahaa Guddoomiyaha Golaha, ayaa ku guuleystay codad dhan 65 cod, halka Ismaciil Cabdi Keeroow oo la tartamayay uu helay 7 cod .Waxaa sidoo kale la diiwaan geliyay 3 cod oo xumaaday, sida uu sheegay Tv-ga ku hadla afka Jubaland
Doorashadan ayaa timid xilli ay beesha caalamka walaac ka muujisay xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa dowlad federaalka iyo Jubaland taas oo loo arko inay saamayn ku yeelan karto dowlad dhiska Soomaaliya.
Natiijada doorashadan ayaa sidoo kale muujineysa inuusan jirin tartan adag oo ay kusoo bixi karaan wejiyo cusub, waxaana la saadaalinaya in Axmed Maxamed Islaam uu xajisin doono kursigiisa doorashada madaxweyne ee dhacysa 25 bishaan November.