Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Jubbaland, Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed, ayaa si adag u dhaliilay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, isagoo ku tilmaamay shir gaar u ah xisbi siyaasadeed.
Xildhibaan Shire ayaa sheegay in rajadii laga qabay shirkaas ay meesha ka baxday, isagoo xusay in halkii laga filayay in looga doodo arrimaha siyaasadda, dastuurka iyo doorashooyinka dalka, uu shirka noqday mid si gaar ah loogu adeegayo dano xisbiyeed.
“Shirka ka dhacay Muqdisho waxa uu ahaa mid qolo gaar ah oo isku fikir ah ay isugu yimaadeen, iskuna sheegeen inay matalaan dalka Soomaaliyeed. Arrintaasi noo cuntami mayso,” ayuu yiri Xildhibaan Shire.
Wuxuu intaas ku daray in dhammaan maamul-goboleedyadii ka qeybgalay shirkaas lagu qasbay inay taageeraan xisbiga Madaxweynaha oo ay ka mid noqdaan, taas oo, sida uu sheegay, ka dhigtay shirka mid u adeegaya dano gaar ah oo xisbigaasi leeyahay.
Hadalka Xildhibaan Shire ayaa imaanaya xilli xalay la soo gabagabeeyay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho, kaas oo ay ka maqnaayeen Jubbaland. Shirkan ayaa lagu go’aamiyay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ay soo jeediso talooyin ku saabsan xalinta xaaladda Jubbaland iyadoo la raacayo dastuurka iyo shuruucda dalka.