Hargeysa (Dawan)- Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland ayaa sheegay in xiriir adag iyo wadashaqayn ay ka dhaxeeyaan kooxda Xuutiyiinta Yemen iyo ururka Al-shabaab ee Soomaaliya, isaga oo timaamay in loo baahanyahay in la iska kaashado sidii looga horetgi lahaa falalkooda.
Kaahin oo waryesi siiyay TV-ga Al-Carabiya ayaa yiri, sida soo socota;
- Xuutiyiinta iyo Al-shabaab waxaa ka dhaxeeya isbahaysi iyo wadashaqayn adag si ay halis u geliyaan amaanka gobolka
- Dowladda Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa inay qaado tillaabadii ay wax uga qaban lahayd wadashaqaynta iyo heshiiska u dhaxeeya labada dhinac
- Sidoo kale beesha caalamka waa in ay kaalin weyn ka qaadato sidii loo xakameyn lahaa dhaq-dhaqaaqan halista ku ah isu socodka ganacsi ee gobolka
- Dowladda Somaliland, kaligeed mas’uuliyadi kama saarna ilaalinta nabadgelyada marinnada badda cas