Friday, September 20, 2024

Kaalintii dhallinyarada Soomaaliyeed aaway?

Muqdisho (Dawan)- Kaalintii dhallinyarada Soomaaliyeed aaway? . Waxaa qortay Xildhibaan Maryan Faarah Kaahiye

Dhallinyarada Soomaaliyeed oo intooda badan shaqo la’aan ah ,qaarna qarax ku dhammaanayan, waxaa looga fadhiyaa in ay kasoo baxaan guriga qabiilka, si ay u hantaan hoggaanka dalka.

Sidaa si lamida, waxaa tusaale dhallinyarada u ah Kacdoonkii Bangladesh ee looga tuuray (xilka) Shiikh Xasiina; waa taariikh cusub oo ku suntan rabitaanka shacabka gaar ahaan dhallinyarada.

Waxaa dhabarjab dhallinyarada Soomaaliyeed ku ah in Wasaaradda Gaadiidka uu Wasiir ka yahay Gen ilka Jiir oo hoggaaminta Ciidanka ka gaarey darajo sare, kana soo baxay Kulliyadda Ciidanka kuwa ugu magaca dheer.

Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa maanta tusaale ugu filan Kacdoonkii Kenya oo dhaliyey in Canshuurtii cusbayd laga noqday iyo in Madaxweynaha Kenya kala diray Golihiisa Wasiirrada.

Bal eega, Wasaaradda Haweenka oo loo dhiibey Sarreeye Guuto. Bal eega inta gabar aqoon iyo waayo aragnimo leh ee dalka jooga, balse la xaqiray! Bal eeg Wasaaradda Gaashaadhigga oo uu wasiir ka yahay nin aan shaqo Ciidan qaban, baran, oo aan lahayn khibrad maamul iyo waayo aragnimo Ciidan.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee qaaliga ah, waxaan ugu baaqaya in ay muujiyaan doorkooda, si ay u hantaan hoggaaminta dalkooda oo maanta baahi weyn u qaba aqoonta iyo waddaniyadda dhallinyaro.

SOOMAALIYA OO GAARTAY ISGOOSKII DHALLINYARADA.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here