Saturday, September 7, 2024

KALA SHAKIGA BEELAHA GALMUDUG MA WIIQI KARAA DAGAALKA KA DHANKA AH AL-SHABAAB?

GALMUDUG (DAWAN)- Maalmihii u dambeeyay waxaa deegaanada maamul goboleedka Galmudug ka socday abaaubl dagaal oo ay wada gelayaan ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka, inkasya oo ay soo baxayso cabsi laga qabo in dagaalka looga faa’iideysto in beelaha qaar helaan dhul  aysan hore u degganayn.

Waxaa la  qorsheynayaa inuu dhawaan bilaawdo dagaalka wajiga labaad ee ka dhan aka ah xoogaga Al-shabaab kuwaas oo ku sugan degaano ka mid ah gaobalka Galgaduud.

Dagaalka waxaa qeyb libaax ka qaadanayaa ciidanka deegaanka ee loo yaqaano Macaawisley kuwaas oo weji cusub u yeelay tan iyo markii ay kusoo biireen dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Shir jaraa’id uu qabtay Cabdiqawi Qaasim Shirwac oo ka mid ah oday dhaqameedka kasoo jeeda Galgaduud ayuu uga hadlay qataraha ka dhalan kara in ciidan beeleed dagaal usoo aado deegaan beel kale, iyada oo laga yaabo in hore dagaal uga dhaxeeyay.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada  iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Galmudug ayaa ka qeyb qaatay bandhigga hubka iyo ciidanka la sheegay in Al-shabaab looga xoreyn doono qeybaha ay ka joogaan maamul goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh  oo khudbad ka jeediyay sanad guuradii ka soo wareegtay aas-aaska maamulka Galmudug ayaa si adag uga  hadlay kala shakiga beelaha wada dega Galmudug, wuxuuna ugu baaqay inay iska kaashadaan la dagaalanka kooxda Al-shabaab iyo sidii loo xoreyn lahaa deegaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaar garoow xoogan ugu jirta billaabidda wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro xoogaga Al-shabaab, waxeyna qorsheyneysaa in ay Al-shabaab kala wareegto degmooyinka Ceel-buur iyo Gal-hareeri oo ka tirsan gobalka Galgaduud.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here