Sunday, November 24, 2024

Kamala mise Trump… yaa noqon doona m/weynaha xiga ee Mareykanka?

Washington (Dawan)- Malaayiin qof oo Mareykan ah ayaa u dareeraya goobaha cod bixinta, maanta oo Talaadada, si ay codkooda uga dhiibtaan doorashada madaxtinimada ee 2024-ka, oo ay ku tartamayaan Kamala Harris iyo Donald Trump.

Doorasahdii ugu xumeed Mareykanka

Waa doorashadii ugu xumeed ee soo marta taariikhda Mareykanka, sida uu qoray wargeyska Washington Post. Trump oo afartii sano ee lasoo dhaafay wajahayay eedeymo culus ayaa laga yaaba inuu markale noqdo Madaxweyne ama waxaa suurtagal ah in Kamala noqoto haweeneydii ugu horeysay ee xukunta dalka ugu awoodda badan dunida.

Labadoodaba waxaa lagu dhaliilay inaysan soo badhigin qorshe cad iyo siyaasadda ay ku hogaamin doonaan Mareykanka sanadaha soo socda.

Marka la eego dhaqaalaha, Trump iyo Harris midkoodna ma soo bandhigin sida uu ku xallin doono dhibaatada deynta gudaha , taas oo kor u kacday $ 1.8 trillion sannadkii hore.

Xisbiga Jamhuurigu waxay ku guul darreysteen inay keenaan bedelka Trump oo ah eedeysane loo haysto dembiyo waawayn, sidoo kale Dumuquraadigu waxay ku qasbanaadeen inay Kamala ku bedelaan Biden oo ay isagu darsantay duqnimo iyo siyaasad aan miisaan ku soconin xilli ay dunidu halgan ugu jirto in la xakameeyo awoodda halka dhinac ah ee laga dhaxlay dagaalkii qaboobaa.

Washington Post waxay ku tilmaamtay Trump nin xanaaq badan oo xanbaarsan fikrado badan oo isku dhax daadsan halka ay Harris ku sheegtay inay tahay qof isbedel badan oo ay suurtagal tahay inay si dhaqsi ah u qaadato fikrad cusub oo ay ka biya diidaneed markii hore.

Tirada dadka xaq u leh inay codeeyaan waa 230 milyan oo qof, laakiin kaliya 160 milyan ayaa diiwaangashan. Ku dhawaad kala bar gobollada Mareykanka waxaa laga ogalyahay inaad is diiwaan geliso maalinta doorashada. Gobolka Waqooyiga Dakota waxaa caadi ah inaad codeyso adiga oo aan is diiwaan gelinin.

In ka badan 70 milyan oo qof ayaa horay ugu codeeyay waraaqaha boostada ama goobaha codbixinta ee lasoo hormariyay.

Marka laga soo tago doorashooyinka madaxweynaha, muwaadiniintu waxay sidoo kale u codeeynayaan inay doortaan 34 xubnood oo ka tirsan Senate-ka Mareykanka iyo dhammaan 435ka xubnood ee Aqalka Wakiilada . Intaas waxaa dheer, doorashada guddoomiyayaasha 11 gobol iyo labada deegaan ee Puerto Rico iyo American Samoa).

Dadka sida dhow ula socda arrimaha Mareykanka waxay aamisanyihiin inaysan wax wayn iska bedeli doonin hannaanka siyaasadda dalkaas haddi isbedel ku yimaado xisbiga talada haye iyo haddii kale.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here