Friday, October 18, 2024

Kenya Airways oo joojineysa duulimaadyadii Muqdisho

Nairobi (Dawan)- Kenya Airways ayaa ku dhawaaqday in ay joojin doonto duulimaadyadii rakaabka ee Muqdisho laga bilaabo 14-ka October 2024, iyadoo sabab uga dhigtay caqabado ku saabsan howlgalka.

Bayaan uu soo saaray Allan Kilavuka, Agaasimaha Guud iyo Maamulaha Kenya Airways, ayaa lagu muujiyay mahadnaq ballaaran oo loo diray Safaaradda Kenya ee Muqdisho iyo mas’uuliyiinta dowladda ee taageerada joogtada ah iyo fahamka ay u yeesheen go’aanka shirkadda.

Kilavuka wuxuu xusay in go’aanka la gaaray kadib markii si qoto dheer loo falanqeeyay xaaladda suuqa ganacsiga, isagoo adkeeyay in go’aanku yahay mid ku jira danta ugu fiican ee shirkadda. “Waxaan codsaneynaa inaad fahamtaan isbeddelkan lama filaanka ah, kaas oo laga yaabo inuu dib u riixo horumarka wanaagsan ee la gaaray ilaa hadda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Tani ma ahan markii ugu horreysay ee Kenya Airways ay hakiso howlgalkeeda Soomaaliya, laakiin tallaabadan waxaa loo arkaa inay ka dhalatay tartan xooggan oo ka jira suuqa, maadaama shirkado kale oo caalami ah ay bixiyaan duulimaadyo qiimo jaban leh oo u socda gobolkan.

Kenya Airways ayaa dib u bilaawday duullimaadyada rakaabka ee isaga kala goosha Nairobi iyo Muqdisho bishii  February , 2024.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here