Monday, September 16, 2024

Kenya Airways oo lagu eedeyay inay si xun ula dhaqantay muwaadiniin Soomaaliyeed

Nairobi (Dawan)- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku eedeeyay shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways inay si xun ula dhaqantay muwaadiniin Soomaaliyeed oo meela kala duwan kasoo raacay kuna ahaa transit Nairobi si ay uga soo gudbaan Muqdisho.

Arrintan ayaa timid kadib markii Kenya Airways ay baajisay seddex duulimaad, taas oo keentay in muwaadiniinti Soomaaliyeed ay ku xayirmaan gudaha garoonka diyaaradaha ee Nairobi mudda seddex maalin ah sida uu wasiirku kasoo xigtay dadki uu la kulmay.

Wasiirka ayaa Facebook kusoo qoray; “waxaan aad uga xumaaday sida muwaadiniin Soomaaliyeed oo badankooda yihiin shaqaale dawladeed loogu bahdilayo Airport-ka Nairobi Kenya, waxay meelo kala duwan ka soo raaceen Kenya Airways, halkii ay hore ugu sii qaadi lahayd Mogadishu Somalia, sida ay ii sheegeen waxay Kenya Airways Cancell-gareysay ilaa sadex flight, dadkii Nations-ka kale banaanka ayey u bixisay oo Hotels ayey dejisay, Soomaalidii waa loo diiday in ay banaanka u baxaan oo meesha ayey ku xidhan yihiin ilaa 3 habeen, waxaa ku jirta caruur”

Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyay safaaradda Soomaaliya ee Kenya inay gabtay xilkii loo igmaday oo ahaa inay ka war qabato xaaladda muwaadiniinta Somaaliyeed iyo inay ilaaliso sharaftooda iyo karaamdooda.

Maareeye ayaa raaciyay hdalkiisa ” Sida muuqata Safaaradda Nairobi ma doonayso in ay dadkeeda udeegto”

Wasiirku waxa ka codsaday Wasaaradda Gaadiidka iyo Hay’adda duulimaadka rayidka inay qaadaan tillaabo lagula xisaabtamayo Kenya Airways inta ay ka bixineyso magdhowga dadka Soomaaliyeed ee ay ku xadgubtay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here