Nairobi (Dawan)- Boliiska magaalada Nairobi ayaa baaritaan ku bilaabay fal ka dhacay xaafadda Ushirika ee Islii, halkaas oo nin hubeysan uu weerar ku qaaday gabar 16 jir ah oo Soomaali ah oo gurigooda ku sugneyd.
Muuqaalka kaamirooyinka CCTV-ga ee guriga ayaa muujinaya ninka, oo gacanta ku wata burus (dubbe), isagoo isku dayaya inuu gabadha ku ceejiyo gudaha guriga.
Dhacdadan oo argagax iyo caro ku abuurtay bulshada Soomaaliyeed ayaa lagu eedeeyay haweeney jaariyad ah oo guriga loogu tagay gabadha, taas oo muuqaalka laga arkay iyadoo ag taagan xilliga uu ninku gabadha weerarayo.
Ninkan oo la arkayay isagoo gabadha u jiidaya dhinaca jikada ayaa dhuunta ka qabtay gabadha iyada oo cabsi iyo silic ku jirta, iskuna dayaysaa inay iska difaacdo weerarka. Dhawaqa gabadha iyo rafashadeeda geeri ka baxsashada ah ayaa argagax ku abuurtay bulshada Soomaalida ee ku nool Nairobi, kuwaas oo si weyn u hadal haya dhacdadan.
Sida muuqaalka CCTV-ga uu muujinayo, dhacdadani waxay dhacday 1-dii bishan November, maalintii Jimcaha. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in shaqaalaha guriga iyo ninka weerarka geystay ay guriga ka qaateen lacag iyo dahab aan xaddigooda la shaacin. Gabadha oo dhaawacyo soo gaareen ayaa la geeyay isbitaalka, iyadoo xaaladdeeda caafimaad aan weli la shaacin.
Dhacdadan ayaa kusoo beegantay iyadoo dalka Kenya uu kusoo badanayay afduubyada iyo weerarada dadka rayidka ah todobaadyadii u dambeeyay, taas oo walaac ku abuurtay bulshada.