Friday, October 18, 2024

Kenya: Caro ka dhalatay canshuur lagu kordhiyay gaadiidka iyo rootiga

Nairobi (Dawan)- Madaxa Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Guddigu uu u soo jeediyay xukuumadda in ay ka laabato soo jeedinteeda ku saabsan canshuuraadka cusub ee lagu soo rogay gaadiidka iyo rootiga, taas oo dhalisay caro xoogan iyo dibad baxyo looga soo horjeedo.

Isbedelka lagu sameeyay canshuurta ee ku jira hindisaha xukuumadda ee miisaaniyad sannadeedka 2024/25 ayaa ah dadaalkii ugu dambeeyay ee maamulka madaxweyne William Ruto uu ku doonayo inuu kor ugu qaado dakhliga loona dhimo amaahda.

Sannadkii hore, dowladda Kenya waxay casnhuur ku soo rogtay guryaha iyo adeegga Nidaamka Caafimaadka Qaranka, waxaana ka dhashay sidaan oo kale mudaaharaadyo xoogan oo looga soo horjeeday go’aanka xukuumadda.

“Waan dhagaysanay aragtida dadka Kenyaanka ah, waxaan u baahanahay inaan ka ilaalino kor u kaca qiimaha nolosha,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Kenya, Kimani Kuria oo saxaafadda la hadlay kaddib kulan ay la yeesheen xildhibaano ka socday Madaxweyne William Ruto.

Wuxuu intaas ku daray in Guddiga Maaliyaddu uu soo jeediyay in la joojiyo canshuurta cusub ee lagu soo rogay gaadiidka, meeshana laga saaro canshuuraha lagu kordhiyey adeegga taleefannada gacanta, iyo rootiga.

Dhanka kale, Booliiska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryay boqolaal qof oo mudaaharaad ka dhigayay goobo ku dhow xarunta Baarlamaanka dalkaas.

Muthoni Wanjiku, oo ka mid ah dibadbaxayaasha, ayaa u sheegay Reuters, “Xitaa hadda ka dib ma iibsan karno xafaayadda carruurta, waxaan rabnaa in dowladdo arrintaan wax ka qabato.”

Kooxaha ka soo horjeeda canshuur kordhinta xukuumadda, waxaa ka mid ah bangiyada, warshadaha iyo ururka sharci-yaqaanada Kenya, kuwaas oo sheegay in canashuurta cuusb ay curyaamin doonto dhaqaalaha dalka.

Maanta oo ah Arboco iyo Khamiista beri ah ayay xildhibaannadu dood adag ka yeelan doonaan soo jeedinta sharciga ku salleysan miisaaniyadda cusub, iyadoo markaas kaddib loo gudbin doono madaxweyne Ruto si uu u saxiixo, sharcina looga dhigo.

Wasiirka Maaliyadda Kenya, Njuguna Ndongo ayaa todobaadkii hore sheegay in sharciga maaliyadda ee sanadkan uu ujeedkiisu yahay in la soo kordhiyo 346.7 bilyan oo shilinka Kenya ah una dhiganta 2.71 bilyan oo doolar.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa iyada oo kiiska canshuuraadka sannadkii hore ee gurayaha uu weli horyaalo maxkamadda dalka Kenya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here