Sunday, September 8, 2024

Kenya iyo Maraykanka oo ka wada hadlay nabadda iyo dimoqoraadiyadda

Nairobi (Dawan)-Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Ergeyga Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer, ayaa ka wada hadlay ilaalinta  nabad gelyada iyo hannaanka  dimoqoraadiyadda  gobolka Geeska Afrika.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ruto kadib kulan uu la qaatay Ergeyga  ayaa lagu sheegay in ay Kenya ka go’an tahay inay iskaashi dhow la yeelato Maraykanka, Midowga Afrika, iyo hay’adaha kale si wax looga qabto amni darrada iyo colaadaha ka jira  Geeska Afrika. .

Ruto iyo Hammer ayaa isla qiray in  colaaddu  caqabad weyn ku tahay  horumarka iyo xasilloonida gobolka, loona baahan yahay in si wadajir ah wax looga qabto.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale kawada dooday ahmiyadda ay  dimoqoraadiyaddu u ledahay dowlada Geeska Afrika si looga gudbo colaadaha soo noq noqda ee gobalka gaar ahaan dagaalka hadda socda dalka Suudaan.

Beesha caalamka ayaa aad uga walaacsan xaalada dalka Suudaan, waxaana madaxda caalamku ku baaqeen in dadaal badan la geliyo sidii xal waara looga gaari lahaa colaadda.

Ergeyga Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer, ayaa sidoo kale booqan doona Itoobiya, wuxuuna madaxda kala hadli doona  sidii loo xoojin lahaa heshiiskii laga gaaray dagaalka Tigrey iyo in hadda wada hadal lagu dhammeeyo colaadaha ka jira gobolada Amxaarada iyo Oromada.

In ka badan 4.5 milyan oo qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku barakaceen dagaalka Suudaan ka qarxay bartamihii April, waxaana ka dhashay khasaara isagu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur ballaaran oo soo gaaray guryaha, goobaha caafimaadka iyo waxbarasahda.

Waxaa xusid mudan in Ergayga Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer uu boqasho nuucaan ah ku yimid dalalka Jabuuti iyo Itoobiya dhamaadkii bishii May iyo billaawgii bishii June ee sannadkaan, isaga oo kulamo looga hadlaayay inta badan xasiloonada gobalka la yeeshay madaxdii uu la kulmay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here