Sunday, September 8, 2024

Kenya iyo Netherlands oo iska kaashanaya caafimaadka iyo beeraha

Nairobi (Dawan)- Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto ayaa xarunta madaxtooyada dalkaas ee magaalada Nairobi ku qaabilay Boqoradda Netherlands Queen Máxima, oo boqasho rasmi ku joogta Kenya.
Boqoradda ayaa sidoo kale ah ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres u qaabilsan in maalgelinta horumarka ay noqoto mid loo dhan yahay.
Madaxweynaha iyo Boqorodda ayaa si wada jir ah hoosta uga xarriiqay sid ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ka dhexeya Kenya iyo Netherlands si ay iskaga caawiyaan haleelidda hadafyada horumarka waara.
Labada dowladood aya iska kaashanaya Warshada soo saarta Kalluunka oo ay hirgelinteeda ku baxayso 1.52 bilyan oo shilin, dhaqangelinta barnaamij dhanka beeraha ah oo lagu kordhinayo ganacsiga la xiriira wax soo saarka beeraha ee labada dhinac.
Dowladda Netherlands ayaa sidoo kale sheegtay inay ka go’an tahay in Kenya ay kala shaqeyso la dagaallanka cudurka kansarka ee carruurta, waxaana iska kaashan doono xarunta Princess Maxima Centre for Pediatric Oncology ee Netherlands iyo isbitaalka wayn ee Moi .
Sidoo kale Netherlands ayaa gacan ka gaysan doonto dadaallada ay Kenya kula tacaalayso saameynta isbeddelka ku yimaada cimillada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here