Monday, September 16, 2024

Kenya: Mudaaharaad kale iyo laamaha amniga oo diyaar garoobay

Nairobi (Dawan)- Waxaa la filayaa maanta in markale mudaaharaad xoogan ka dhaco gobollada kala duwan ee dalka Kenya, iyada oo ay dhallinyaradu dalbanayaan inuu xafiiska banneeyo madaxweyne William Ruto.

Ruto ayaa lagu eedeeyay inuusan wax ka qabanin musuqmaasuqa ku baahay dalka, shaqo la’aanta iyo sare u kaca ku yimid hab nololeedka dalka, iyada oo ay ku adkaatay dadka nolosha hoose inay iibsadaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah noloshooda.

Dhallinyarada ayaa sidoo kale ka carootay hantida faraha badan ee ay haystaan Wasiirada magacaaban, taas oo lagu ogaaday su’aalihii uu guddiga turxaanbixinta waydiiyay maalmihii lasoo dhaafay, iyada oo lasoo bandhigay hantida uu leeyahay wasiirkasta.

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa la geliyay heegan, iyada oo ciidamo dheeraad ah laga howlgeliyay ismaamullada laga cabsi qabo inay rabshado ka dhacaan sida Nairobi, Mombasa, Kisumu, Nakuru iyo magaalooyinka kale ee waawayn.

Boliiska ayaa barkontorollo ka sameeystay waddooyinka ugu muhiimsan ee caasimadda dalka ee Nairobi iyo agagaarkeeda, waxaana la adkeeyay baaritaanada ay sameynayan ciidamada amniga. Waxaa inta badan xiran goobaha ganacsiga ee bartamaha Nairobi iyadoo dhaqdhaqaaqa shacabkana uu aad u hooseyo, sida aan kasoo xiganay warbaahinta gudaha Kenya.

Taliyaha guud ee ciidanka Boliiska Kenya, Gilbert Masengeli ayaa sheegay in ciidamo ku filan loo diyaariyay ka hortagga rabshadaha iyo waxyaabaha wax u dhimi kara xasiloonida iyo amniga dalka, wuxuuna ugu baaqay dadwaynaha inay ka qayb qaataan nabadgelyada, isaga oo ku goodiyay in gacan bir ah lagu qaban doono ciddii ku kacda fal ka dhan ah amniga guud ee dalka.

Taliyaha ayaa sidoo kale uga digay bannaanbaxayaasha inay tagaan goobaha sida gaarka ah u ilaashan sida baarlamaanka , madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport.

Ruto ayaa la doortay bishii August ee 2022, kadib markii uu ballanqaaday inuu difaaci doono muwaadiniinta nolosha hoose, wuxuuna tan iyo xilligaas qaaday dhowr tillaabo oo lagu kordhiyay casnhuurta taas oo wiiqday awoodda wax iibsiga ee dadka Kenya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here