Monday, September 16, 2024

Kenya… Nin qirtay inuu dilay 42 haween ah oo ka baxsaday xabsiga

Nairobi (Dawan)- Boliiska Kenya ayaa billaabay baadigoobka nin ay sheegeen inuu ka dambeeyay dilka 42 haween ah, isla markaana uu jarjaray jirkooda kaas oo ka baxsaday xabsi ku yaal caasimadda Nairobi.

Collins Gumisi (33 jir), oo Boliisku ku tilmaamay dhiigya cab, maskaxda loogu jiro ayaa la xiray bishii hore, ka dib markii meydad la jarjaray laga helay goob qashin qub ah oo ku tal xaafad isku raran ah oo ka tirsan caasimadda Kenya ee Nairobi.

Afhayeenka Boliiska Kenya Risila Onyango ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee France-Presse, in la billaabay baaritaanno iyo howlgal ballaaran oo la doonayo in dib loogu soo qabto ninkaas iyo maxaabiis kale oo ka baxsatay xabsiga kuwaas oo tiradoodu dhantahay 13 qof.

Maxaabiista ayaa ku guuleystay inay ka fakadaan Saldhigga Boliiska ee ku yaal agagaarka Gigiri ee Nairobi, oo ah goob si wayn loo ilaaliyo ayna ku yaalaan xarunta Qaramada Midoobay iyo safaarado badan

Waa markii labaad muddo 6 bilood gudahood ah oo uu xabsiga ka baxsado eedaysane loo haysto kiis la xiriira dil.

Bishii February ee la soo dhaafay, Kevin Kangethi, oo Kenyan ah laguna eedeeyay inuu dilay saaxibtiis ayaa ka baxsaday saldhig Boliis, balse dib ayaa loosoo qabtay toddobaad ka dib.

Gumisi ayaa Jimcihii ka soo hor muuqday Maxkamad ku taal Nairobi, wuxuuna Garsooraha Maxkamaddu amray in xabsiga lagu sii hayo muddo 30 maalmood ah, si Boliisku ay u soo dhameystiraan baaritaannada ay wadaan.

Bishii hore ayay ahayd markii guddiga qaran ee xuquuquda aadanaha Kenya ay shaaciyeen in 10 haween ah oo la gowracay kuna jira baco laga helay meel qashinka lagu shubo, taasoo argagax weyn ku beertay dadka Kenyaatiga ah.

Gumisi ayaa la xiray 15-kii bishii July isaga oo ku sugnaa xilligaas goob laga daawanayay ciyaartii finalka ee Euro 2024.

Madaxa Hoggaanka Dambi baarista, Maxamed Amiin, ayaa sheegay in Gumisi uu qirtay inuu dilay 42 haween ah muddo laba sano ah, laga soo bilaabo 2022, waxaana ka mid ahaa haweenkaas xaaskiisa.

Boliiska Kenya ayaa lagu eedeyay habacsanaan iyo ka gaabin la xiriirta shaqadooda, maadaama maydad badan laga helay meel 100 mitir u jirta saldhigga Boliiska.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here