Sunday, September 8, 2024

Kenya oo diyaarado ku daabuleysa warqadaha imtixaanaadka shahaadiga

Nairobi (Dawan)- -Imtixaanka dugsiga Sare ah ee dalka Kenya ayaa maanta oo Isniinta ah si rasmi ah u bilowday, iyadoo in ka badan 900,000 oo arday ay u fadhiisteen imtixaanaadka sannadkaan guu ahaan gobollada dalkaas.

Imtixaanaadka dugsiga sare ayaa ku soo beegmay xilli roobab mahiigaan ah ay ka da’een qeybo badan oo ka mid ah dalka Kenya, taasoo keentay in guddiga imtixaanaadka qaranku ay waraaqihii imtixaanaadka ku daabulaan diyaarado Helicopter ah.

Nancy Macharia oo ah madaxa fulinta guddiga Macalimiinta ayaa sheegtay in dowladdu si wanaagsan uga baaran degtay dhibaatooyinka soo wajahi kara ardayda iyo howlwadeenada imtixaanaadka, waxeyna xustay in deegaanada laga cabsi qabo dhanka ammaanka in la geeyay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaata habsami u socodka imtixaanaadka.

101,376 isagu jira Macallimiin ilaalisa imtixaanka iyo kormeerayaal ayaa la geeyay dhammaan xarumaha ay ardaydu ku gelayaaan imtixaanaadka, sida ay sheegtay Nancy Macharia.

Todobaadkii la soo dhaafay waxaa dalka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ka da’ay roobab mahiigaan ah, kuwaasi oo fatahaado xooggan ka sameeyay magaalooyinka Mandheera, Gaarisa iyo Wajeer.

arday gaareysa 35,051 ayaa la filayay in ay magaalooyinkaas u fadhiistaan imtixaanka dugsiga Sare balse waxaa adkaatay in goobaha qaar la galo imtixaanka maadama ay laga barakacay ama ay saameyn xooggan kasoo gaartay roobkii ka da’ay maalmihii lasoo dhaafay.

Xarumo ku kala yaala Wajeer, Mandhera iyo Garissa ayaa waraaqaha imtixaanaadka lagu geeyay diyaarado maadama waddooyinka qaarkood ay jareen biyihii fadhiistay.

Deegaanada Libooyo, Halugho, Dhadhaab, iyo Faafi ayaa la geeyay ciidamo dheeraad ah oo suga amniga iyada oo laga casbi qabo in ay dhacaan falal amni darro oo wax u dhimi kara habsami u socodka imtixaanka.

Todobaadki hore ayay aheyd markii labo askari oo ka tirsan ciidamada Booliska Kenya ay ku dhinteen, afar kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii gaarigii ay la socdeen lala beegsaday qarax miino oo lagu aasay waddada isku xirta Dhadhaab iyo Gaarisa.

Askarta la qarxiyay ayaa ka tiirsan ciidamada sida militariga u tababaran, waxeyna kusii jeedeen in ay ka qeyb qaataan kormeerka iyo ilaalinta xarumaha imtixaanaadka ee Dhadhaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here