Monday, September 16, 2024

Kenya oo ku biirtay howlgalka nabad ilaalinta ee Congo

Nairobi (Dawan)- Dowladda Kenya ayaa ciidamo u dirtay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo si ay ugu midnoqdaan ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay kuwaas oo loo xil saaray inay xasilooni kusoo dabbaalaan gobollada rabshadaha ka taagan yihiin ee dalkaas.

Ciidamadan oo qayb ka ah ciidanka loo yaqaan Ciidanka Falcelinta Degdegga ah ee Kenya ayaa si rasmi ah loo diray Sabtidii, sida ay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Kenya ku sheegtay war qoraal ah oo kasoo baxay.

Qorshuhu waxa uu yahay inay ka qayb qaataan howlgallada ka dhanka ah kooxaha hubeysan, ilaalinta dadka rayidka ah, taageeridda dadaallada bani’aadannimo, iyo ka shaqaynta hub-ka-dhigista, kala dirista, iyo dib-u-soo-celinta maleeshiyaadkii hore, sida lagu sheegay bayaanka.

Ciidamada Kenya waxay ku biiri doonaan howlgalka Qaramada Midoobay ee lagu xasilinayo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (MONUSCO), kaas oo diiradda saaraya xasillinta gobollada bari ee dalkaasi oo kooxaha hubeysan ay dhibaatada ku hayaan.

Taliyaha Ciidanka Falcelinta Degdegga ah ee Kenya, Simon Seda ayaa sheegay in ciidamada loo tababaray si heer sare ah isla markaana ay u qalabaysan yihiin xirfadaha lagama maarmaanka u ah fulinta howlgalkan.

Gobolka bari ee Kongo ayaa wajahaa dhibaatooyin amni oo muddo ku dhow soddon sano kuwaas oo ay sababeen kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeda dowladda, iyadoo kumanaan qof ay ku nool yihiin xeryaha ku yaalla North Kivu iyo Ituri oo ah labada gobol oo rabshaduhu sida weyn u saameeyeen.

Qiyaastii 6.9 milyan oo qof ayaa ku barakacay colaadaha tan iyo bishii Maarso 2022.

Colaadda ka jirta dalkaas awgeed, dalal badan oo Afrikaan ah ayaa ciidamo u diray Congo, kuwaas oo ay ka mid yihiin Burundi, Uganda, Koonfur Afrika, Tansaaniya, iyo Malawi.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here