Monday, September 16, 2024

Kenya oo madasha Shiinaha iyo Afrika uga faa’iideysatay ololaha Odinga

Beijing (Dawan)- Dowladda Kenya ayaa olole xoogan ka wadda madasha iskaashiga Shiinaha iyo Africa, wuxuuna madaxweyne William Ruto dadaal dheeri ah ku bixinaya sidii uu ugu qancin lahaa madaxda Africa inay taageeraan musharraxnimada Raila Odinga ee xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

Ku dhawaad toban madaxweyne ayuu la kulmay Ruto oo uu ka mid yahay madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo ka codsaday in la taageero ra’iisul wasaarihi hore ee Kenya Raila Odinga oo loolan adag kula jira murshaxa Jabuuti ahna wasiirka arrimaha dibadda Maxamuud Cali Yuusuf.

Go’aanka Soomaaliya ayaa ah inay taageerto Maxamuud Cali Yuusuf, waxeyna horay u qaadacday ka qaybgalka munaasabaddii lagu daah furay ololaha murashaxnimada ee Raila Odinga.

Madaxda uu Ruto arrintan kala hadlay ayaa kala aha madaxweynaha Togo ,Faure Essozimna Gnassingbé , madaxweynaha Mali, Assimi Goita, madaxweynah Rwnada, Paul Kagame, madaxweynaha Guinea-Bissau, Umaro Sissoco Embalo, madaxweynaha Chad, Mahamat Idriss Deby iyo madaxweynaha Zambia Hakainde Hichilema .

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga oo 79 jir ah ayaa isku dayay shan jeer kuna guul dareystay inuu madaxweyne ka noqdo Kenya.

Isku daygiisi ugu dambeeyay waxa uu ahaa doorashadii 2022-ka oo uu kaga guuleystay William Ruto.

Raila Odinga wuxuu dhashay Maseno sannadkii 1945, waana ganacsade iyo siyaasi Kenya kasoo soo noqday ra’iisul wasaare snadihii 2008 ilaa 2013

Odinga waxa uu sannadihiisii ​​ugu horreeyay siyaasadda ku qaatay xabsi ama dibad-joog, wuxuuna u dagaallamay dimoqraadiyadda xilligii uu xukunka Kenya hayay madaxweyne Daniel Arap Moi.

Waxaa si rasmi ah magacyadooda usoo gudbiyay kaliya afar murashax oo ka kala socda dalalka Jabuuti, , Kenya, Mauritius, iyo Madagascar kuwaas oo doonaya inay qabtaan xilka ugu sarreeya ee Midowga Afrika.

Ururka qaarareedkan oo ka kooban 55 waddan, ayaa shir madaxeedka bisha February qaban doona tartanka lagu dooranayo mas’uulka beddeli doona Muusa Faki oo hadda ah guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here