Friday, October 18, 2024

Kenya oo xirtay nin looga shakisanyahay inuu xiriir la leeyahay Al-shabaab

Nairobi (Dawan)- Booliska Kenya ayaa xiray nin 41 jir ah oo lagu magacaabo Ferdinand Indangasi, kaas oo looga shakisanyahay inuu xiriir la leeyahay kooxda Al-shabaab.

Booliska ayaa sheegay in Ferdinand Indangasi lasoo xiray isagoo heysta hub, lacag, waxyaabaha maanka dooriya iyo qoraalo muujinaaya inuu xiriir la leeyahay xoogaga Al-shabaab.

Agaasimaha Waaxda Dembi-baarista Kenya ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku xaqiijiyey xariga ninkaan isagoo sheegay  in sirdoonka Kenya kaalin mug leh ka qaatay soo qabashada  Ferdinand Indangasi

Howlgal ay sirdoonku hogaaminayeen oo ka dhacay deegaanka Riruta ee Dagoreti, ee ismaamulka Kiambu, ayaa lagu soo qabtay Ferdinand Indangasi “ayaa lagu yiri bayaanka Booliska Kenya.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in baaritaanada lagu sameeyay telefoonka gacanta ee Ferdinand Indangasi laga helay qoraalo muujinaaya inuu xiriir la leeyahay kooxda Al-shabaab.

Mas’uuliyiinta amniga ee Kenya ayaa sheegay in Ferdinand Indangasi  uu qorsheynaayay inuu qaraxyo ka sameeyo gudaha dalkaas, waxeyna fareen laamaha amniga inay muujiyaan feejignaan dheeri ah si looga hortago qataraha amni ee dhici kara.

Baaliska Kenya ayaa sidoo kale sheegay in Ferdinand Indangasi uu hore usoo qaatay 15 sano oo xabsi ah.

Kadib markii aan baaritaan ku sameynay Ferdinand Indangasi, waxaa noo soo baxaday inuu muddo 15 sano ah kusoo qaatay xabsiga Shimo La Tewa” ayaa lagu yiri bayaanka Booliska.

Booliska ayaa weli su’aalo weydiinaaya Ferdinand Indangasi, waxaana lagu wadaa in maalinta Isniinta ah lasoo taago maxkama, iyada oo lagu eedeeyay inuu xiriiir la lahaa kooxaha aragagixisada sidoo kalena heystay hub sharci darro ah iyo waxyaabaha maanka dooriya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here