Monday, September 16, 2024

Khayre: Dalkeennu wuxuu wajahayaa duullaan ay ku soo qaadday Itoobiya

Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dalku wajahayo duullaan ay kusoo qaaday Itoobiya, sida ugu habboon ee looga hortegi karana ay tahay in loo midooboo lagana fogaado wixi kala dhantaali kara wadajirka bulshada.

“Dalkeennu wuxuu wajahayaa duullaan shisheeye oo ay ku soo qaadday Itoobiya, waxaana uga gudbi karnaa dhiifooni, isku-duubni, iyo midnimo, iyo in aan ka foggaanno wax waliba oo dhaawici kara wadajirka bulshadeenna”. Khayre ayaa sidaas kusoo qoray bartiisa bulshada ee Facebook.

Hadalka Khayre ayaa kusoo beegmaya, iyada oo maalmihii ugu dambeeyay uu soo baxay khilaaf u dhexeeya xildhibaanada kaas oo ku saabsan ciidamada Itoobiya ee jooga dalka iyo kuwa Masar ee la filaayo inay imaadaan.

Khayre waxa uu tilmaamay in duruufta amni ee ka jirta dalka inay keentay ciidanka shisheeye, iyada oo laga rabo dowladda Federaalka inay masuuliyad gaar ah iska saarto sidii ay u dabooli lahayd baahidaas amni, si looga maarmo ciidan shisheeye.

Xasan Cali Khayre ayaa madaxda dalka ugu baaqay in ay la yimaadaan aragti Qaran oo jiheyn karta bulshada si loo mideeyo cududda iyo caqliga dadka Soomaaliyeed, iyada oo laga fogaanayo wax walba oo kala qeybin kara midnimada dalka iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, waxa uu Khayre xusuusiyay siyaasiyiinta inaan kala-qeybinta bulshada iyo in dowladnimada laga xigsado reer Koonfur Galbeed inaysan ahayn dariiqa saxda ee dalka looga difaacayo Itoobiya. ” Waxaan ka digayaa hadallada xanafta, dhiillada, iyo qabyaaladda xambaarsan ee warbaahinta la isu marinayo, oo abuuraya khilaaf hor leh, siina kala dhantaalaya midnima ummaddeenna”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here