Wednesday, October 2, 2024

Khayre oo madaxda Soomaaliyeed uga digay muddo kororsi

Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ayaa hoggaanka dalka uga digay inay sameeystaan muddo kororsi abuurki kara khilaaf cusub iyo xasilooni darro keeni karta dhibaato hor leh oo kala dhantaasha midnimada dalka Soomaaliyeed.

Jidka kaliya ee maanta dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed u furan waa in laga fogaado muddo-kororsi hor leh, degdegna loo qabto doorashooyinka Dowlad-Goboleedyada oo waqtigoodu dhammaaday, lagana wada heshiiyo doorashooyinka Federaalka, si doorasho wadar-oggol ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhacdo May 15, 2026

Hadalka Khayre ayaa kusoo beegmaya, iyada uu maanta Muqdisho ka furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo dhowr jeer dib u dhacay sababo la xiriira xiisadaha dalka ka jira.

Khayre waxa uu sheegay in shirku kusoo aaday, iyada uu jiro khilaaf xoogan oo Soomaaliya kala dhaxeeya Itoobiya, wuxuuna ugu baaqay madaxda inay mas’uuliyad iska saaraan samatabixinta iyo badbaadinta dalka.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Soomaaliya leedahay khibrad ku filan oo ay garan karaan cawaaqibta ka dhalan karta muddo kororsi iyo in la dhinac maro shuruucda iyo dasuurka dalka.

Dhanka kale, waxa uu ku baaqay in xal loo helo cabaashada ay ku maqantahay Puntland si looga qayb geliyo eeddi-socodka dowladnimada iyo doorashooyinka qaranka.

Puntland kama soo qaybgelin kulamdii ugu dambeeyay ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, waxayna ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay dowladda federaalka kadib markii ay isla jaan qaadi waayeen hoggaanka dalka.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu dhawaan sheegay inuu diyaar u yahay inuu wadahadal la galo madaxda federaalka, isaga oo shuruud uga dhigay in lagu wada hadlo goob fagaara ah oo ay joogaan waxgarad, si loo kala saaro cidda toosan iyo cidda kale

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here