Monday, October 7, 2024

Khilaaf sababay in xilka laga xayuubiyo Madaxweynaha gobolka Tigray

Addis Ababa (Dawan)- Xubno ka tirsan Jabhadda Xoreynta Tigray ayaa ku dhawaaqay in ay xilalkii ay hayeen laga qaaday shan xubnood oo ka tirsanaa maamulka kumeel gaarka ah ee gobolka Tigray, waxaana ka mid ah xubnaha xilka laga xayuubiyay madaxweynaha Gobolka Getachew Reda.

War-saxaafadeed kasoo baxay maanta garabka jabhadda Tigray ee heshiiska la gashay dowladda ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay usoo gudbin doonaan hoggaamiyaha bedeli doona madaxweynihii xilka laga qaaday.

“Masuuliyiinta maamulka ku meel gaarka ah, oo uu ku jiro Madaxweyne Getachew , xubnaha kale ee golaha wasiirada iyo madaxda xafiisyada, ma lahaan doonaan awood ay ku hogaamiyaan maamulka, go’aanno, ama awaamiirna kusoo saaraan hadda kadib” ayaa lagu yiri, war-saxaafadeedka

Xubnaha kale ee xilka laga qaaday ayaa kala ah; Beyene Mekru, Professor Kindeya Gebrehiwot, Dr. Hagos Godefay, iyo Almaz Gebretsadq, oo ka mid ahaa xubnaha golaha wasiirada ee maamulka Tigray.

Sidoo kale, waxaa la casilay guddoomiyayaasha lixda deegaan ee gobolka Tigray, waxaana lagu bedelay hogaamiyayaal kale oo uu ku jiro Abreha Tekeste oo ahaa wasiirkii hore ee maaliyada Itoobiya.

Go’aankaan ayaa imaanaya iyada oo khilaaf siyaasadeed ka dhaxjiray waayadii ugu dambeyay hoggaanka jabhadda kaas oo saameyn ku yeeshay habsami u socodka howlihii loo igmaday maamulka kumeel gaarka ah ee gobolka.

Kooxda xilka laga qaaday waxaa lagu eedeeyay inay soo saareen go’aano ka baxsan awooddooda iyo inay ka gaabiyeen fulinta mas’uuliyadii ka saarnayd heshiiskii nabada ee Pretoria

Jabhadda Xoreynta Tigray (TPLF) ayaa bishii August ee lasoo dhaafay mar kale guddoomiye u doortay Debretsion Gebremichael intii lagu guda jiray shirweynihii 14-aad ee ka dhacay magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray, inkasta oo khilaaf soo kala dhaxgalay madaxweynaha Gobolka Getachew Reda ee hadda xilka laga qaaday.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here