Sunday, September 8, 2024

Khudbadda iyo farriimaha Madaxweyne Xasan ee xusuusta qaraxii Soobe

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa khudbad dhinacya badan taabaneysa oo ku saabsan sannad guuradii lixaad ee kasoo wareegtay qaraxii isgoyska Soobe ka dhacay 14-kii october 2017 u jeediyay shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa dadweyanaha xasuusiyay dhacdadii ay ku geeriyoodeen boqolaal qof hal maalin, isaga oo farriin u diray ciidanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan Culimada iyo Siyaasiyinta,

Waxaan khudbada Madaxweynaha kasoo xulnay dhowrkii qodob ee ugu muhiimsanaa:

  • Lix sano ka hor, maanta oo kale, 14 ocotober 2017, waxaa lagu xasuuqay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho Soomaalidii ugu badneed ee abid isku meel lagu dilo.
  • Cadawa umadda Soomaaliya ee Khawarijta dhinac martay diinta ayaa halkaas si aan kala sooc lahayn ku gubay ugana tegay mayd iyo dhaawac ahaan umad Soomaaliyeed oo ah muslimiin abriya ah ( waxba galabsan) oo tiradoodo kor u dhaafeyso boqolaal.
  • Maalintaan lama dilin oo kaliya qof Soomaali ah ee waxaa la dilay bini aadamka oo idil.
  • Maalintii la ii dhaariyay madaxtinimada ilaa maanta, waxa ay dowladdu mudnaata koowaad siisay sidi dalka looga xoreyn lahaa cadawga, oo aan anigu Tuutaha u xirtay, safka hore ula galay geesiyaasha ciidamada Somaaliyeed.
  • Wiilashada iyo Gabdhaha kula jira dagaalka cadawga, waxa ay u baahanyihiin garab istaaggiina. Dowladda Soomaaliyeed waxa ay u baahantahay garab istaagiina.
  • Inta aad heysataan Wiil, Gabdho iyo madax ay ka go’antahay ilaalinta sharafka iyo cisiga dalkooda, dadkooda iyo diintooda iyo waliba gargaarka Ilaahey, waxaad ku bishaareysataan niyadda ku dhaadataan inaan guuleysan doono. Cadawga ilaahey ee khawaarijtna aan jebin doono.
  • Guusha aan rabno inaan gaarno ma ahan mid ku imaanysa si fudud ee waxaan ku beddelaneynaa dhiiga wiilasheena, gabdhaheena iyo ilmada kumanaan kun oo ah qoyasaskooda iyo eheladooda.
  • Waa inaan isagu jirno qof ka dagaalamay furimaha hore iyo mid la daba taagan hiil geesiyaalka.
  • Farriinta ciidanka: Naftooda hurayaal, wuxuu qaranka Soomaaliyeed ku dhisanyahay, kuna dhisnaa doona, xorriyadiisuna ku bulaali doonta dhididkiina iyo dhiiranaantiina. Waxaad xanbaarsantihiin amaano ay halgamaayaal hore u hureen naftooda. Waxaad indho iyo musatqbal u tihiin 20 milyan oo Soomaali hadda nool iyo jiil soo socda.
  • Farriinta Culimada: Waxaan culimada ka codsanaya inay sii xoojiyaan dadaalka oo ay noqdaan kuwa jiidaha hore ee dagaalka ku dhiiri geliya ciidamada ama ay noqdaan kuwa ka shaqeynaya taakuleyntooda.
  • Farriinta Siyaasiyiinta: Waxaan ku amaanaya siyaasiyiinta in ay nala garteen in juhdi la wada geliyo dabar goynta fikirka xagjirka ah ee ay Khawaarijtu ku abtirsato. Waxaan siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaasha Soomaaliyed ka codsanayaa in ay wada oggol iyo wada jir lagu xalliyo wixi aragti kala duwanaan ah isla markaana aan la siyaasadeynin marna dagaalka lagula jiro Khawaarijta.
  • Dadaka Soomaaliyeedoow , maalin guuli nooga dhawadahay maanta nama soo marin ee aan is raacino cadawga. Dadaalkii an ka bilaawnay Xawaadley iyo agagaarka Xamar, wuxuu sii maraya maanta Xarardheere Camaara, Maxaas, ilaa Aadan-yabaal iyo Ruunirgood.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here