Monday, September 16, 2024

Khudbadda Wasiirka Dhallinyarada ee shirka Jaamacadda Carabta

Cammaan (Dawan)- Khudbadda Maxamed Barre  Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Kulanka Qorshaha Fulinta Istaraatiijiyadeed ee Carabta ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga (2023-2028) ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta .

Cammaan – Boqortooyada  Jordan 28/29 August  2024

Mudanayaasha sharafta iyo qiimaha mudan,  Wasiirada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Carabta

Danjire Dr. Haifa Abu Ghazaleh – Kaaliyaha Xoghayaha Guud ahna  Madaxa Waaxda Arrimaha Bulshada ee Ururka Jaamacadda Carabta

Mudane Dr. Ashraf Sobhi – Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, ahna Madaxa Xafiiska fulinta ee  Golaha Wasiirrada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Carabta

Mudane Maxamed Salama Al-Nabulsi – Wasiirka Dhallinyarada ee Boqortooyada  Jordan,  ku-xigeenka Xafiiska Fulinta Golaha Wasiirrada Carabta ee Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ahna Guddoomiyaha Kalfadhigaan  (47) ee Golaha

Wasiirada,  Safiirada iyo mudanayaasha  sharafta leh ee goob joogga ah,

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuh.

Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta ka qayb qaato  furitaanka iyo billaabidda Istaraatiijiyadda Carbeed  ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga (2023 -2028) ee qayb ka ah howlaha Madasha Caalamiga ah ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga.

Mudanayaasha sharafta  iyo qaddarinta mudan, waxaa farxad ah ii ah  inaan uga mahadceliyo Boqortooyada Jordan  sida wanaagsan ee ay u qaban qaabiyeen howlaha munaasabadaan iyo dadaalka joogtada ah ee ay ku bixinayaan sidii looga mira dhalin lahaa istiraatijiyadda Carabta ee dhallinyarada, nabadda iyo amniga, waxaana u rajeynayaa guul iyo barwaaqo.

Waxaan sidoo  kale si kal iyo laab ah uga mahadcelinaya soo dhawayntii wanaagsanayd ee aan la kulanay tan iyo markii aan soo gaarnay dalkan

Mudanayaasha sharafta  iyo qaddarinta mudan

Istaraatiijiyadda Carbeed ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Ammaanka waxay ka dhigan tahay aragti wadajir ah oo Carbeed oo ka  amba qaadeysa  Qaraarka Qaramada Midoobay ee 2250 “  Dhallinyarada, Nabadda iyo Ammaanka” , kaas  oo macnahiisu yahay  in kor loo qaado ka-qaybgalka dhallinyarada ee nabadda iyo amniga caalamiga ah

Marka la eego xaaladda gobolka, Istaraatiijiyaddan waxay noqoneysa tii ugu horeysay ee nuuceeda ah taas oo ka dhigan aqoonsiga Carabta ee taageerada nabadda iyo amniga gobolka   iyo fulinta ajendaha nabadda iyo amniga, kor u qaadista iyo xoojinta kaalinta  dhallinyarada ee go’aan qaadashada dhammaan arrimaha siyaasadda , bulshada  iyo ka hortagga  khilaafaadka iyo xallintiisa.

Mudanayaasha sharafta  iyo qaddarinta mudan

Dhallinyarada , Nabadda  iyo Amnigu meelna kuma kala haraan. Arrintaas waxaa tusaale cad u ah Soomaaliya iyo sida ay dhallinyaradu kaalin ugu leeyihin  amniga iyo nabadda. Marki hore  waxay hormuud ka ahaayeen colaadihii iyo dagaalladii dhiigga badan ku daatay ee dalka, maantana Alle mahadiis  kaddib dadaal ay bixisay dowladda federaalka Soomaaliya, waxay qayb muhiim ah ka yihiin ka shaqaynta  nabadda iyo amniga. Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha waxay  xil iska saartay maalgelinta dhallinrada iyo in la ballaariyo  sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen  nabadda iyo amniga dalka

Mudanayaasha sharafta mudan  

Waxaa lagu qiyaasaa in dhallinyaradu ay yihiin  in ka badan 75% bulshada Soomaaliyeed, sidaas darteedna ay qayb wax ku ool ah ka qaataan hannaanka dowlad dhisidda iyo nabadaynta dalka

 Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo la ansixiyay May 2023, Waa tiirkii afraad ee siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo dejinta istiraatijiyadda iyo qorshe hawleedka qaran ee dhallinyarada, nabadda iyo amniga Soomaaliya.

Mudanayaasha sharafta mudan

Ii ogolaada inaan  idin la wadaago mudnaanta barnaamijka ay wasaaradeenu ka leedahay dhallinyarada, anagoo xisaabta ku darsanayna  in dhalinyaradu ay laf dhabar u tahay qaranimada Soomaaliyeed sidoo kalena ay tahay awoodda iyo waddada loo marayo horumarka maadaama ay yihiin inta badan bulshada, waxaana muujineynaa sida aan u xoogga u saareyno dhallinyarada iyo inaan kor u qaadno  ka qayb qaadashadooda  go’aanada iyo inay si firrfircooon uga qayb qaataadan howlaha dowladda.

Si aan ugu bedelno dadaalkeena la xiriira  Istaraatiijiyadda Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga natiijooyin la fulin karo, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha waxay guda gashay hawsha muhiimka ah ee diyaarinta Qorshe Hawleed Qaran oo gaar ah  kuna  saabsan Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga.

 Qorshahan waxa uu u adeegi doonaa istaraatiijiyadda  lagu hagayo dadaalladeena  lagu xoojinayo dhalinyarada si ay uga qayb qaataan nabad-dhisidda, xallinta khilaafaadka iyo wadajirka bulshada.

Waxaan ku faraxsanahay inaan idinla socodsiiyo  in geeddi-socodka samaynta Qorshe hawleedka Qaranka uu hadda socdo.

Ugu dambayntii,  waxaan mahadnaq iyo bogaadin u soo jeedinayaa Boqortooyada  dalka Jordan , Jaamacadda Carabta, iyo khubaradii gacanta ka geysatay diyaarinta Istiraatiijiyadda Carabta ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga. Waxaan sidoo kale uga mahadcelinaya wasiiradda dhallinyarada iyo ciyaaraha dadaalkooda muuqda ee ay ugu adeegayaan dhallinyarada dalalkeena Carabta. Ilaahay dhamaanteen hana waafajiyo wixii khayr u ah  dhallinyaradeena.

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuh.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here