Manama (Dawan)- Halkaan ka akhriso khudbadda uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ka jeediyay meertada 33-aad ee shirka Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay sannadkan caasimadda Bahrain ee Manama 16-ka bisha May.
Boqorka boqortooyada aan walaalaha nahay ee Bahrain, Boqor Xamad bin Ciisa, guddoomiyaha kalfadhigaan ee shir-madaxdeedka wadamada Carabta,
Dhaxal-sugaha, ahna Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Maxamed bin Salmaan, guddoomiyihii sannadkii hore ee shir-madaxdeedka wadamada Carabta,
Axmed Abul Gheit, Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta,
Ka soo qayb galayaasha, sharafta mudan, dhammaantiin, Asalaamu Calaykum..
Waxaa sharaf ii ah in aan maanta idinkala soo qaybgalo shirkan muhiimka ah, aniga oo wakiil ka ah, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaa sidoo kale farxad ii ah inaan mahadcelin iyo bogaadin aan lasoo koobi karin u jeediyo Boqorka Boqortooyada Bahrain Boqor Xamad bin Ciisa, iyo Amiir Salmaan Bin Xamad, Dhaxal-sugaha ahna Ra’iisul Wasaaraha boqortooyada sida sharafta leh ee ay noogu soo dhaweeyeen markaan soo gaarnay boqortooyada Bahrain oo aynu u argano in ay tahay dalkeena labaad.
Waxaana rajeyneynaa in natiijooyin wax ku ool ah kasoo baxaan shir madaxeedkan kuwaas oo xoojin doona midnimada Carabta si looga hortago caqabadaha aan horay loo arag ee soo food saaray gobolka.
Waxaan hambalyo diiran iyo bogaadin aan la soo koobi karin la wadaagaya Boqor Xamad bin Ciisa iyo Dhaxal-sugaha Amiir Salmaan Bin Xamad, aniga oo ugu hambalyeynaya shir-guddoonka meertada 33-aad ee dalalka Carabta, aniga oo rajaynaya in kalfadhigaan kusoo dhamaado guul, taas oo ah rajada aan ka qabno ka mira dhalinta hiigsiga horumarka xasilloonida iyo barwaaqada.
Waxaan sidoo kale bogaadinaynaa dadaalki ay bixisay Boqortooyada Sucuudi Carabiya inti lagu guda jiray shir-madaxeedkii hore ee ay hoggaamintiisa lahaayeen Boqor Salmaan Bin C/casiis iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, iyada oo laga soo hooyey guulo la taaban karo oo kor loogu qaaday Iskaashiga Carabta iyo ka hortagga caqabadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Mudanayaasha sharafta iyo qiimaha badan;
Waxaan maanta kulmaynaa iyada oo ay gobolka iyo caalamkaba ka jiraan caqabado aan horay loo arag kuwaas oo nooga baahan inaan sidii hore si ka ballaran usii xoojino iskaashiga, wadajirka iyo wada shaqeynta dalalkeena si aan wax uga qabano dhibaatooyinka hadda taagan.
Hadda, dalalka Carabta waxaa ka taagan caqabado badan iyo qalalaase kuwaas oo isagu jira dhaqaale xumo, colaado hubeysan iyo is qab-qabsi siyaasaadeed.
Marka la eego qaddiyadeena wayn ee Falastiin, waxaan muujinaynaa walaaca aan qabno iyo sida aanu ugu qanacsanayn xaaladda sii xumaanaysa ee halkaas ka jirta.
Waxaan si adag u cambaareyneynaa gabood falka, gardarrada joogtada ah iyo xasuuqa Israel ee ka dhanka ah dadka reer Falastiin.
Sidoo kale waxaan carrabka ku adkeyneynaa muhiimadda ay leedahay taageerada wadmada Carabta iyo tan caalamiga ah si looga hortago xadgudubyadaas loona xaqiijiyo xuquuqda aan la dafiri karin ee dadka Falastiin u leeyihiin in ay helaan madaxbannaani , xorriyad iyo sharafta bin aadanimo.
Waxaan minbarkaan muhiimka ah ka caddeynaya, in Jamhuuriyadda Soomaaliya ay mar kale xaqiijinyeso taageerada ay u hayso Hindisaha Nabadda ee Carabta, waxaana taageeraynaa dhammaan dadaallada horseedaya in walaalaha Falastiin ay helaan xuquuqdooda sharciga ah iyo tillaabooyinka ay qaadayaan madaxda Falastiin si loo joojiyo xasuuqa ka dhanka ah shacabka Falastiin .
Waxaan codsaneynaa in lasoo saaro go’aan lagu joojinayo dagaalka iyo in la fuliyo go’aamada Qaramada Midoobay si loo ilaaliyo dadka rayidka ee aan isdifaaci karin, iyada oo si deg-deg ah gargaar bini aadanimo loo gaarsiinayo dadka ay waxyeelado kasoo gaartay dagaalka dib u dhisna loogu sameynayo marinka Gaza.
Madaxda sharafta iyo qaddarinta mudan,
Marka la eego xaaladda dalkeena Soomaaliya, Itoobiya waxay weli usii xusul duubeysaa tillaabooyinka ku dhisan naceybka, iyada oo faragelinyesa arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isla markaana khalkhalinaysa amniga iyo xasilloonida si ay u meel-mariso isku daygeedi ay ku doonaysay in ay ka mira dhaliso heshiiski waxba kama jiraanka ahaa ee ay la saxiixatay 1-dii January ee sanadkan Gobolka Somaliland (oo ku yaal waqooyi-galbeed ee Soomaaliya) kaas oo ah qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Waxaan mar kale ku celinaynaa in tillaabadan ay ka dhigan tahay xad-gudub bareer ah oo lagu sameeyay madax-bannaanida dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waana diidnay gebi ahaanba, maadaama ay ka hor imaaneyso amniga Carabta, gobolka, Badda Cas iyo Bab al-Mandab.
Mudanayaasha sharafta iyo qiimaha badan;
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga mahadcelineysaa mawqifyada iyo taageerada dalalka Carabta tan iyo markii ay dhacday dhibaatadii 1-dii Janaayo ee sanadkan, waxaan sidoo kale soo dhaweyneynaa in la sameeyay koox heer wasiir ah oo qaabilsan garab istaagga xaquuqda Jamhuuriyadda Soomaaliya si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Waxaan rajeynaynaa inaan wadamda Carabta ka helno taageero ballaan oo xoojinaya mowqifka aan ku diidayno qorshahan Itoobiya, iyada oo la wada ogyahay in Soomaaliya aysan waligeed u durbaan tumin dagaal balse ay mar walba gacanta u fidiso nabadda, waxa kaliya ee aan daneyno waa horumar, xasillooni, iyo in lala dagaalo aafooyinka argagixisada.
Arrimahan marka la eego, dowladda Soomaaliya waxay ku daadashay inay sii xoojiso dadaallada ay dalka kaga xoreynayso kooxaha argagaxisada ah, waxaana ku guuleysannay inaan dib u soo celinno deegaanno badan oo ay gacanta ku hayeen kooxaha argagaxisada ah.
Waxaa arrintaas barbar socday dadaalladii aan ku bixinnay dhameystirka Dastuurka, dib-u-heshiisiinta Qaran, iyo bixinta adeegyada aasaasiga ah.
Waxaan caddeynaya sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in lasii wado dadaallada wax looga qabanayo dhammaan caqabadaha hadda jira, anaga oo kaashaneynaa taageerada iyo caawinta walaalaheen Carbeed, oo aan uga mahadcelineyno garab istaaggooda joogtada ah ee dhinacyada horumarinta iyo bani aadantinimada.
Soomaaliya waxa ay sidoo kale qorsheyneysaa in ay hirgeliso barnaamijyo lagu horumarinayo Soomaaliya, laguna kobcinayo maalgashiga iyada oo la abuurayo fursado cusub oo lagu hiigsanayo ka mira dhalinta himilooyinka dadkeenna, arrintaas oo sii xoojineysa guulaha aan gaarnay oo ay ugu muhiimsanyihiin;
in nagala cafiyay 4.5 bilyan oo doolar oo deyn ah, qaadistii cunaqabateynta hubka ee saaraneed dalkeena iyo ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka dhaqaalaha Bariga Afrika oo ah fursad taariikhi ah oo aan ku koobnayn Soomaaliya oo kaliya balse ay faa’iido ugu jirto dhammaan dalalka Carabta iyada oo xoojineysa isku xirka ganacsi iyo maalgashi ee ka dhexeeya dalalka Carabta iyo Bariga Afrika.
Tilaabadan ayaa xoojinaysa xiriirka dhaqaale iyo mid dhaqan, waxayna abuureysa fursado badan si loo gaaro horumar waara oo guud.
Mudanayaasha sharafta iyo qiimaha badan;
Waxaan qorsheyneynaa inaan si buuxda ugula wareegno mas’uuliyadda amniga ciidamada nabad ilaalinta ee Afrika dhamaadka sanadkan, arrintaas waxa ay u baahantahay in ciidamadeeno helaan tababaro iyo hub badan, sidaas awgeed waxa aan codsi u gudbinaynaa wadamada carabta ee walaalaha ah si ay u taageeraan isbeddelkan muhiim ah si loo xaqiijiyo amniga Soomaaliya oo qayb ka ah amniga Carabta iyo kan gobolka.
Mudanayaasha sharafta iyo qiimaha badan;
Sidaad la socotaan dalka Soomaaliya waxa uu qani ku yahay khayraad badan oo ay ka mid yihiin Xoolaha nool, Beeraha, Kalluumaysiga, Tamarta la cusboonaysiin karo, iyo khayraad kale, sidaas darteed, waxa aan ku faraxsanahay in aan idinku martiqaado inaad maal-gashataan oo aad ka faa’iidaysataan fursadaha ka jira Soomaaliya.
Waxaan shirkadaha iyo hay’adaha lacagta ee Carabta kusoo dhawaynaynaa in ay maalgashadaan Soomaaliya, dowladduna waxa ay ballan qaadaysaa in ay sameyneyso dhammaan waxyaabaha fududeynaya arrintaas ee lagama maarmaanka ah, loogana gudbayo dhammaan caqabadaha jira.
Arrintaas waxa ay ka qayb ka qaadanaysa hirgelinta qorshayaasha dowladda ee la xiriira abuurista fursado shaqo oo meesha ka saaraya shaqo la’aanta laguna gaarayo horumar iyo barwaaqo.
Mudanayaasha sharafta iyo qiimaha badan;
Gabagabadii, waxaan markale u mahadnaqaya Boqortooyada Bahrain, boqorkeeda, xukuumadeeda iyo shacabkeedaba, waxaana shirkeena u rajaynayaa inuu ku dhamaado guul si looga mira dhaliyo himilooyinka shucuubteena ee ah inay ku noolaadaan nabad, barwaaqo, xasilooni iyo amni.
Waxaan Ilaah ka baryeynaa in uu nawaafajiyo, wixii umaddeena u ah khayr.