Thursday, September 19, 2024

Kiiski 3-aad ee cudurka Mpox oo laga diiwaan geliyay Kenya

Nairobi (Dawan)- Qofki seddexaad ee uu ku dhacay furuq daanyeerka loo yaqaano Mpox ayaa laga diiwaan geliyay gudaha Kenya, sida uu xaqiijiyay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr.Patrick Amoth.

Haweeney 30 jir ah oo ku nool magaalada caasimadda ah ee Nairobi ayaa laga helay cudurka, taas oo dhawaan u safartay dalka Uganda, waxaana hadda lagu baxnaaninaya qayb gaar ah oo loogu tala galay dadka uu ku dhaco cudurka Mpox

Labadii kiis ee hore ee fayraska Mpox ayaa laga xaqiijiyay ismaamullada Taita Taveta iyo Busia waxaana laga helay wadayaasha baabuurta xamuulka qaada.

Sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr.Patrick Amoth, waxaa baaritaan lagu sameeyay ilaa 89 qof oo looga shakiyay cudurkan, iyada oo laga waayay 79 halka weli la sugayo natiijada 7 kale.

Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa xoojisay dadaallada kormeerka iyo dabagalka ah ee lagu xakameynaya faafitaanka caabuqa Mpox, waxaana baaritaano lagu samayn doona dadka soo gelaya dalkaas.

Dadwaynaaha Kenya ayaa loogu baaqay inay si joogto ah gacmaha ugu dhaqdaan saabuun iyo biyo ama ay isticmaalaan gacmo-nadiifiyaha loo yaqaano hand -sanitizer, sidoo kalena ay tagaan la xiriiraan hay’adaha caafimaadka ee ugu dhow haddii ay dareemaan wax shaki ah.

Muwaadiniinta Kenya ayaa sidoo kale la faray inasyan u safrin dalalka laga xaqiijiyey kiisaska furuq daanyeerka Mpox sida Congo iyo inaysan cunin hilibka duur joogta ee aan soo marin baaritaanka hay’adaha dowladda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here