Friday, September 27, 2024

Ku dhawaad 30 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Itoobiya

Addis Ababa (Dawan)- Koonfurta Itoobiya, ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhintay Arbacadii kadib markii bas rakaab ah uu ku dhacay webi, sida ay sheegeen warbixinnada maxalliga ee dalkaas

Sida uu sheegay Inspektar Wolde Biliso, oo ah madaxa Qeybta Ka-hortagga iyo Xakameynta Shilalka Gaadiidka ee Waaxda Booliska Walayta Zone, 29 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay shilka, kaas oo dhacay xilli basku uu ka amba-baxayay magaalada Walayta Sodo kuna sii jeeday gobolka Dauro.

Inspektar Wolde ayaa xaqiijiyay in shilku uu dhacay abaare 1-dii duhurnimo, xilliga maxalliga ah, degmada Fatata ee gobolka, wuxuuna intaas ku daray in tirada dhimashadu ay korodhi karto maadaama ay jiraan dhaawacyo halis ah oo sababi kara dhimasho dheeraad ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here