Monday, September 16, 2024

Ku dhawaad 40 qof oo ku dhintay dab ka kacay koonfurta Kuwait

Kuwait (Dawan)- In ka badan 39 qof ayaa ku dhintay tobaneeyo kalena waa ay ku dhaawacmeen, dab ka kacay laba dhisme oo deegaan ah kuwaas oo ku yaal degaanka Al-Mangaf ee gobolka Al-Axmadi, ee koonfurta Kuwait.

Wasaaradda Warfaafinta Kuwait oo soo xiganeysa laamaha kala duwan ee dowladda ayaa sheegtay in ay jirto cabsi ah inuu sii kordho khasaaraha ka dhalan kara dabka.

Sida uu sheegay mas’uul u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaas, waxaa gurmadki ugu horeeyay lagu soo badbaadiyay 11 qof, iyada oo ay afar qof dhinteen kadib markii la geeyay isbitaalka.

In ka badan 15 oo dhaawac ah ayaa la geeyay goobaha caafimaadka, waxaana socda baaritaan la xiriira sababta dhalisay dabka, sida ay sheegtay dowladda Kuwait.

Mas’uul u hadlay laamaha gurmadka ayaa sheegay in dadka qaarkood ay dhinteen kadib markii ay cabburmeen kuna adkaatay in ay si habboon u qaatan hawada.

Qaar ka mid ah Warbaahinta Kuwait ayaa sheegtay in labada dhisme ee dabku qabsaday in loogu tala galay in la dejiyo shaqaalaha ajnabiga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here