By Sayyid Omar
Waa ku dhawaa 600 oo arday oo iskugu jiro gabdho iyo wiilal, waxay u afdhiyaan imtixaan lagu xaqiijinayo tayada xirfadleyaasha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee loo yaqaan COC.
Kullliyadda Farsamada iyo xirfadaha degmada Fiiq ee gobolka Erar ayaa bilowday qaadista imtixaanka xirfadaha kala duwan ee farsamada gacanta.
Maareeyaha kulliyadda farsamada iyo xirfadaha degmada Fiiq, Maxamed Ugaas ayaa ka war bixiyay ujeedka guud ee uu daarnaa imtixaankan, isagoo ujeedka ku tilmaamay sidii loo xaqiijin lahaa tayada xirfadeed ee ardaydu barteen.
“Xirfadaha ardayda ay baranayeen waa 9 xirfad oo ay kamid yihiin, tolista dharka, biya gelinta, korontada, caafimaadka xoolaha, dalagga wax soo saarka xoolaha iyo kheyraadka dabiiciga ah, wuxuuna socday tababarka muddo u dhaxaysa 45 maalin illaa 6 bilood.” Ayuu yiri maareeyaha kulliyadda.
Ardaydan u fadhiisatay imtixaanka, waxaa qeyb ka ahaa arday ku xareysnayd xabsiga asluubta ee degmada Fiiq, kuwaas oo ugu xirnaa dhaqancelin, sidoo kale imtixaankan ayaa ah imtixaankii ugu horreeyay ee ay qaado kulliyadda farsamada iyo xirfadaha degmada Fiiq.