Muqdisho (Dawan)- Xilliga kulaylka ee dalku galay, waxaa ku lamaanan kulayl siyaasadeed iyo is jiid -jiid soo kala dhaxgalay dhinacyo badan oo isla haystay labadi sano ee lasoo dhaafay.
Somaliland meel kasii fog meesheedi hore ayay gaartay. Puntland xilli hore ayay ka degtay tareenka Villa Somalia, hadana waxaa qarka u saran Jubbaland inay ka boodo tareenka.
Koonfur Galbeed xaalkeedu ma fadhiyo, inta soo hartayna loogama baranin inay madaxtooyada kula loolamaan masiirka siyaasadda.
Markii la iskala daalay hadallada siyaasadeed ee kulal, is dhaafsiga war-saxaafadeedyada iyo is dhaliiliddii tooska ahayd, waxaa la isla aaday in qaab suugaameysan loo wareejiyo dagaal afeedka siyaasadda.
“Doraad dhiiraneydaa, Shaley diricsaneydaa, Maantana ku dabartoo,
Dan baa kuu run sheegtee!” waa erayada uu Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur u xushay inuu kusoo dhaweeyo Cabdicasiis Laftagreen markuu Muqdisho kasoo degay horaantii bishaan.
Wax qarsan ma ahan coaladda siyaasadeed ee u dhaxeysa labada nin.
Aadan Cabdinaasir oo ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare oo loo qaatay inuu jawaab siinayay wasiirka ayaa Abwaan Hadraawi kasoo amaahaday “Daray waarayaan ahay, Duufaanku ima lulo, Dulin hoose ima galo, Dardaraale ina rido, Digdig beena kuma ruqo, Cirka danab ka soo dhacay, Deli igama raarrido”
Maalin dhaweed markii ra’iisul wasaaare Xamsa Cabdi Barre sheegay inuu weli sii socdo shirkii wadatasahiga qaran, waxaa uu wasiirka warfaafinta Puntland ku tilmaamay xaalka Xamse labada hees ee tiraahda “ nin caydhi waligii ceeb kama fogaadee , caaway u darantee xageen baan cuskadaa” iyo “ Adigaa is lumiyoo, Isu loogay cadawgoo, Libintaada siiyee, Waadiganse liitee, Leexadu ku sidatee, Hadba laan cuskanayee, Maxaa lulay naftaadii”
Dhanka Somaliland waa tii fannaaniita Geesku waydiiyeen Biixi su’aal ahayd “Sool xaggeed geysay” taas oo u muuqatay hees ku dhaliileysa madaxweynaha dagaalkii Sool iyo inuu ku fashilmay, hogaaminta Somaliland
Villa Somalia waxaa barteeda Facebook ugu hardhan heesta tiraahda “ Maalmihi wacnaa way soo socdaan” waxayna dhaxtaal u ahaan jirtay qudbadaha Xasan Sheekh labadi sano ee lasoo dhaafay.
Erayadan soo socda ee Maxamad Cumar Xuseen (Huryo), waxaa bartiisa Facebook kusoo qoray Cabdiraxmaan Cadbishakuur oo caan ku ah dhaliisha siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh
“Seddax tirada guud, Gogushuu fadhiyey, Ruuxii ka guday , Way soo gabtaa , Garkaan iyo garkaa , Midna gaari waaye, Sow inuu gadaal , Labo guri dhexdood , Gabbal ugu dam yahay, Maan gorfaynin waa, Qalbi guran miyaa , Qosol lagu godlaa”
Si kastaba ha ahaatee suugaanta ayaa loo arkaa inay gaari karto cabbir ka fog hadalka caadiga ah, waana sababta keeneysa inay siyaasiyiintu adeegsadaan iyaga oo la eeganaya xilliga ugu habboon.
Soomaalidu waxay isagu jiraan dad wax tiriya ama dad xafidsan qaybo badan oo ka mid ah qaybaha suugaanta, waana sababta kale ee loo aanaynayo inay badato iswaaydaarsiga eradaya suugaanta ee micnaha badan abuuri kara.