Thursday, September 26, 2024

La taliyayaal cusub oo kusoo biiray Villa Somalia

Muqdisho (Dawan)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Labo La-Taliye Sare kuwaas oo la sheegay inay kaalin weyn ka qaadan doonaan hirgelinta qorsheyaasha muhiimka u ah dowladnimada, Dimuqraadiyadda, iyo Federaalka.

Madaxweynaha ayaa u magacaabay, Axmed Jaamac Maxamed Cillal in uu noqdo La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Dimuqraadiyadda iyo Dowlad Wanaaga, halka Cabdisamad Maxamed Gallan uu u magacaabay La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Federaalka.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia, Labadan Lataliye ayaa leh khibrad sare iyo waayo-aragnimo ku saabsan dowlad wanaagga iyo Federaalka, waxaana Madaxweynuhu kula kula dardaarmay in ay si hufan uga soo baxaan shaqada ay ka sugayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here