Thursday, September 19, 2024

Laba mas’uul oo lagu dilay gobolka Oromia

Addis Ababa (Dawan)- Weerar lagu qaaday degmada Kiramu ee gobolka Oromia, 14kii September, 2024, ayaa galaaftay nolosha laba qof oo ka kala tirsan maamulka deegaanka iyo xisbiga haya talada Itoobiya.

Labada qof ee la dilay ayaa kala ahaa Alamiro Reta oo ahaa madaxii maamulka Sire Doro iyo Akile Fikadu oo ahaa hogaamiyaha xisbiga Barwaaqo ee Sire Dhooro.

Weerarka waxaa sidoo kale ku dhaawacmay mas’uul kale oo ka tirsan maamulka deegaanka, sida ay sheegeen dad goob-joogayaal ah.

Mas’uuliyiintan ayaa la dilay xilli ay kusii jeedeen magaalada Sire Doro oo ay ku guda jireen howlahooda shaqo.

Dadka ku nool degmada Kiramu ayaa muddooyinkii dambe la kulmayay weeraro hubeysan, iyada oo dabayaaqadii bishii hore lagu dilay seddex qof.

5tii ilaa 15kii June, 2024, waxaa degmada Kiramu lagu dilay in ka badan kow iyo toban qof.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here