Sunday, September 8, 2024

Laba qof oo ku dhimatay shil diyaaradeed oo ka dhacay Kenya

Nairobi (Dawan)- Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in duuliye iyo aradygiisi oo tabar ku jiray in ay dhinteen kadib markii diyaaraddoodi ay ku dhacday diyaarad rakaab ah oo dul mareysay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Diyaaradda ay saarnaayen labada qof ee dhimatay ayaa ahayd nuuca lagu tababarto, waxeyna kusoo dhacday kuna burburtay Beerta Qaranka ee Nairobi.

Diyaaradda kale oo ahayd mid rakaabka ah, waxaa saarnaa 44 qof, waxeyna si bad qab ah ugu laabtay garoonka Wilson ee Magaalada Nairobi oo ay marki hore kasoo duushay.

39-ka rakaabka ah iyo 5 qof oo ahaa shaqaalihii diyaaradda ayaan dhamaantood waxba soo gaarin, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta diyaaradda.

Diyaaradda oo ku sii jeeday Diani oo ku taal xeebta Kenya, ayaa la kulantay jug weyn wax yar ka dib markii ay kacday”, ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay shirkadda iska leh diyaaradda

Hay’adda duulista rayidka ee Kenya (KCAA) ayaa sheegtay in shilku uu dhacay abaare 10:05 xilliga dalkaas maanta oo talaada ah.

Waaxda shilalka hawada iyo Boliiska ayaa billaabay baaritaan ku saabsan sababta shilka keentay.

Garoonka diyaaradaha Wilson waa garoon yar laakiin aad mashquul u ah oo ku yaala caasimadda Nairobi, waxaana inta badan adeegsada diyaaradaha sameeya duulimaadyada gudaha.

Shilal dhowr ah ayaa sanadadii lasoo dhaafay ku dhacayay diyaarado yar yar oo kasoo duulay garoonka Wilson, sida ay sheegtay BBC.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here