Monday, September 16, 2024

Laba qof oo qaxooti Suudaan ah ayaa lagu dilay Itoobiya

Addis Ababa (Dawan)- Laba qof oo qaxooti ah kana soo jeeda Suudaan ayaa la dilay, toban kalena waa la dhaawacay kadib markii kooxa hubeysan ay weerar kusoo qaadeen xero qaxooti oo ay ku sugnaayeen dadkaas.

Xerada qaxooti ayaa ku taal kaymaha Awlala ee gobolka Amxaarada ee Itoobiya, halkaas oo ay qaxootigu Suudaaniyiintu ka dhigayeen mudaaharaad ay ku dalbanayaan in wax loo qabto tan iyo horraantii bishii May.

Qaar ka mid ah warbaahinta Itoobiya ayaa warisay in labada qof ee la dilay ay ahaayen nin iyo xaaskiisa, waxaana sidoo kale jira dad qaba dhaawacyo halis ah.

Dhacdadaan ayaa kusoo aadeysa wax yar kadib markii wakiilo ka socda guddiga qaxootiga iyo dib u dejinta Itoobiya ay booqdeen deegaanka.

17 bishan July, waxaa sidoo kale la weeraray xerada qaxootiga Comer oo ku taal isla gobolka Amxaarada waxaana lagu dilay 9 askari, iyadaa oo la qafaashay saraakiil kale.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa ku howlan sidii ay dib u dejin ugu sameyn lahayd qaxootiga Suudaan ee ku sugan Itoobiya oo dhowr jeer la kulmay weeraro, waxaana bishii March la raray ku dhawaad ​​1,000 qof oo la geeyay xarumo kale oo ka amaan roon kuwa ay ku jireen.

27,000 oo qaxooti Suudaan ah ayaa lagu qiyaasay inay ku suganyihiin gobolka Amxaarada, iyada oo ay jiraan 20,000 oo kale oo ku ku sugan gobolka Benishangul-Gumuz.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here