Saturday, September 7, 2024

Liiska rasmiga ee xulka Soomaaliya oo lasoo saaray

Muqdisho (Dawan)- Tababaraha xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, Rachid Lousteque ayaa ku dhawaaqay liiska rasmiga ah ee ciyaartooyda xulka Soomaaliya ku meteli doonta isreeb-reebka koobka Adduunka ee 2026.

Ciyaayrtooydaan oo ka kooban 26 ayaa isagu jira kuwa ka ciyaara gudaga dalka iyo dibaddiisa, waxaana lagu soo xushay sida uu Rachid Lousteque sheegay qaab ciyaareedki ay soo bandhigeen bilihi lasoo dhaafay iyo dadaalka ay ka muujiyeen ciyaarihii saaxibtinomo ee ugu dambeeyay

Xulka waxaa laga saaray qaar ka mid ah ciyaartooydi sida hordhaca ah loosoo xulay bishii October, iyada oo sidoo kale lagu soo daray ciyaartooy cusub.

Halkaan hoose ka akhriso Magacyada Ciyaartooyda:

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa ku sugnaa bishii lasoo dhaafay wadamada Morocco iyo Tuunis, waxa uuna kulamo saaxibtinimo la ciyaaray dalalka Sierra Leone, Niger iyo Libya si uu isagu diyaariyo kulamada uu la ciyaari doono Algeria iyo Uganda bishaan November.

Soomaaliya ayaa ku jirta Group-ka G waxa ayna wajihi doonta dalal caan ku ah kubadda cagta qaarkoodna ay hore ugu guuleyteen koob qaarad.

Dalalka ay Group-ka ku wada jiraan Soomaaliya ayaa kala ah Algeria, Mozambique, Botswana, Guinea, iyo Uganda.

Heerka kubadda cagta Soomaaliya ayaa kor usoo kacay sannadihii ugu dambeeyay, iyada oo shacabka Soomaaliyeed u wada riyaaqay guushii ay xulka 17-da Soomaaliya kasoo hooyeen tartamadii ugu dambeeyay ee ay ka qeyb galeen iyo qaab ciyaareedkii ay soo bandhigeen.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhashay ama ku koray qurbaha ayaa billaabay in ay ku qancaan metelaadda Soomaaliya taas oo markii hore aad u cusleed iyada oo loo sababeynayo isbeddelka ka dhacay kubadda cagta iyo guud ahaan dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here