Sunday, September 8, 2024

Liverpool oo markii 10-aad ku guuleysatay koobka Carabao Cup

London (Dawan)- Liverpool ayaa ku guulaysatay koobka Carabao Cup markii tobnaad ee taariikhdeeda ka dib markii ay gool nadiif ah ku garaacday kooxda Chelsea ciyaartii finaal-ka ee maanta oo Axad ah ka dhacday garoonka Wembley Stadium.

Barbara goolal la’aan ah ayay ciyaartu ahayd ilaa daqiiqadii 117-aad , markii uu hoggaamyaha kooxda Liverpool Van Dijk uu dhaliyay goolka kaliya ee ay guushu ku raacday kooxdisa, taas oo ka badbaadisay in loo baahdo rigoorayaal.

Ciyaartooyda Liverpool ayaa muujiyay dadaal badan maadaama ay doonayaan in ay Macallinkooda Klopp ku sagootiyaan sannadkaan koobab.

Liverpool waxaa dhaawac uga maqnaa ciyaartay tiro badan oo uu ugu horreeyo xiddigeeda reer Masar ee Maxamed Salaax, gool haye Alisson Becker, Diego Jota, Trent Alexander-Arnold, Dominik Szoboszlai, Darwin Nunez iyo qaar kale.

Kooxda Chelsea ayaa awoodi wayday in ay markii 9-aad oo xiriir ah ka badiso kooxda Liverpool dhammaan tartamadii ay isaga hor yimideen, iyada oo kooxda reer London guushii ugu dambaysay ee ay ka gaartay Liverpool ay ahayd bishii March 2021.

Dhanka Liverpool, waxa ay ku guulaysatay koobkii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan, taas oo usii dhiseysa niyadda ciyaartooyda oo doonaya in ay qaadkaan horyaalka oo ay ku hoggaaminayaan 60 dhibcood kadib markii la ciyaaray 26 kulan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here