Monday, September 16, 2024

M/Afrika oo ku bogaadiyay Soomaaliya guulihii ay ka gaartay dagaalka AS

Addis Ababa (Dawan)- War-saxaafadeedka laga soo saaray Shir Madaxeedka 37-aad ee Ururka Midowga Afrika, ayaa lagu bogaadiyay guulihii ay  Dowladda Soomaaliya kasoo hoysay  dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo Waddamada ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa sidoo kale looga mahadceliyaya naf-hurnimadooda iyo taageerada ay u fidiyeen Dowladda Soomaaliya, sannadihii lasoo dhaafay si dalka loogu soo dabbaalo nabad iyo xasilooni.

Madaxda Afrika ayaa ugu baaqday Beesha Caalamka in ay sii xoojiso taageerada ay siiso  Soomaaliya si loo wiiqo loogan adkaado xoogaga Al-Shababaab oo dagaal kula jira Ciidamada Soomaaliya.

Dhanka kale, Midowga Afrika ayaa caddeeyay sida ay uga  go’an tahay  taageerada  midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax-bannaanida, dhammaan dalalka xubnaha ka ah, oo ay ku jirto Soomaaliya, waxa uuna Soomaaliya iyo Itoobiya ugu baaqay in ay xiisadda dejiyaan oo ay wada hadal dhab ah  yeeshaan si loo gaaro xal nabadeed.

Shirka 37-aad ee shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa Axaddii lagu soo gabagabeeyay Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, waxaana inta badan diiradda lagu saaray arrimaha maamulka oo ay ku jiraan dib-u-habaynta qaab dhismeedka Midowga Afrika oo 60 jirsaday, arrimaha miisaaniyadda, iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo ganacsiga, barnaamijyada waxbarashada ee sayniska iyo tignoolajiyada iyo sidoo kale sinnaanta jinsiga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here