Sunday, September 8, 2024

M/W Geelle oo Accra uga qaybgelaya shir muhiim ah

Accra (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa uga qaybgelaya magaalada Accra ee caasimadda dalka Ghana, shir madaxeedka 6-aad ee isku xirka Midowga Afrika iyo ururada dhaqaalaha gobolka kaasoo sanadkiiba mar la qabto.

Ujeedada ugu weyn ee kulankan ayaa ah in lagu kala qaato qiimeyn lagu samaynayo waxyaabihii usoo qabsoomay ururada dhaqaalaha ee qaaraadda kuwaas oo hore loo dejiyay si kor loogu qaado is-dhaxgalka dhaqaalaha iyo is-dhamaystirka qaaradda Afrika.

Shir-madaxeedkan ayaa sidoo kale loogu tala galay in lagu diyaariyo qorshaha lagu hormarinaayo dowladaha Afrika ee dhinacyada sharciyada, maamulka , dhaqaalaha iyo maaliyadda.

Madaxweyne Geelle waxa uu inta uu joogo Accra la kulmi doona madax kala duwan oo ay ka mid yihiin mas’uuliyiinta Midowga Afrika iyo madaxda ka socota dalalka kale, isaga oo shirkan uga faa’iideysan doona ololaha Wasiirkiisa Dibadda oo u tartamaya Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee sanadaha 2025-2028.

Maxamuud Cali Yuusuf, waxaa xilkaan kula tarami doona musharrixiinta kala ah  Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadam  oo ka socota Soomaaliya iyo Raila Odinga oo ka socda Kenya.

Qofkii ku guuleysta xilkan waxa uu beddeli doona Moussa Faki, oo markii ugu horreysay la doortay 14-ka Maarso, 2017, kana soo jeeda dalka Chad ee ku yaal Afrikada Dhexe.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here