Sunday, September 8, 2024

M/W Soomaaliya oo dhambaal qoraal ah ka helay Xoghayaha J/Carabta

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilsay wafdi heer sare ah oo ka socday Ururka Jaamacadda Carabta, kaas oo dhamaan qoraal ka siday Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul Gheit.

Dhambaalka waxaa Madaxweynaha guddoonsiiyay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, ahna Madaxa Arrimaha Amniga Carabta, iyada oo ay la socdeen Zayid Al-Sabban, Agaasimaha Waaxda Geeska Afrika iyo Suudaan iyo Ergayga iyo madaxa howlgalka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, Cabdullaahi Mudlaq Al-cuteybi.

Fariinta ay sidaan wafdiga ayaa la xiriirta dhaqangelinta go’aankii Golaha Jaamacadda Carabta ee tirsigiisu ahaa 8988, kaas oo soo baxay 27-kii bishii January, kuna saabsaana taageeridda madax bannaanida Dowladda Soomaaliya iyo diidmada ay Itoobiya ku dooneyso in ay si sharci darro ah ku hesho xeebaha Soomaaliya.

Wafdiga ayaa dhageystay aragtida Madaxweynaha Soomaaliya ee ku aaddan xaaladda ka taagan Geeska Afrika, waxaana la isla gartay in arrimaha Soomaaliya si gooni ah loogu soo bandhigo shir-madaxeedka Carabta ee soo socda kaas oo ka dhici Caasimadda Baxreyn ee Manama.

Danjire Ilyaas Sheekh Cumar Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu wafdiga u dhiibay dhambaal xanbaarsan qaddarin iyo bogaadin uu u diray Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta iyo dhammaan dalalka Carabta ee taageeray madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa mar kale ku celiyay mowqifka Soomaaliya ee ku aadan diidmada heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay wada saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland 1-dii January , isagoo carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya aysan ka waaban doonin inay difaacdo dhulkeeda.

Safiirka Soomaaliya ayaa tilmaamay in booqashada wafdiga Jaamacadda Carabta, ay muujineyso fariin cad oo ah in dalalka Carabtu ay garab joogaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliya , isagoo intaa ku daray in Soomaaliya ay sii wadi doonto tallaabo kasta oo lagu xoojinayo qaranimadeeda iyo midnimadeeda.

 Ururka Jaamacadda Carabta ayaa Cabdullaahi Mudlaq Al-cuteybi usoo magacaabay inuu noqdo ergayga iyo madaxa howlgalka u qaabilsan Soomaaliya bishii December ee lasoo dhaafay

Cabdullaahi Mudlaq Al-cuteybi ayaa beddelay Salaax Al-juneyd kadib markii ay u dhamaatay mudda xileedkiisi uu Soomaaliya ku joogay.

Eragyga cusub, Cabdullaahi Mudlaq Al-cuteybi ayaa ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono sidii loo sii dardargelin lahaa taageerada ay Jaamacadda Carabta siiso Dowladda Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here