Friday, September 20, 2024

M/W Xasan oo booqanaya laba dal oo Yurub ah

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar ugu baxay qaar ka mid ah wadamada Yurub, isaga mas’uuliyiinta dalalkaas kala hadli doona xoojinta iyo iskaashiga kala dhaxeeya Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa ku hormari doona dalka Norway, isaga oo ku qaadan doona muddo saddex maalin ah, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo Ra’iisul Wasaaraha Norway si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal, sida ay sheegtay Villa Somalia.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doona shirka sannadlaha ah ee Madasha Oslo 2024.

Tan iyo 2003, Madasha Oslo waxay martigelisay shirar badan oo ay kasoo qayb agleen qaar badan oo ka tirsan hoggaamiyayaasha caalamka, dadka ka qayb qaata dhaxdhaxaadinta iyo khubarada arrimaha qalalaasooyinka si looga wada hadlo jawi lagu abuuri karo duni nabdoon.

Sida uu ogaaday Dawan TV, Madaxweyne Xasan ayaa u sii gudbi doona dalka Switzerland, isaga oo halaas uga qayb geli doona shir ku saabsan nabadda caalaamka, kaas oo qabsoomi doona 15 iyo 16 bishan June.

Shirkan oo ay kasoo qayb geli doonaan dowlado badan iyo hay’ado caalami, waxaa inta badan diiradda lagu saari doona dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here