Sunday, September 8, 2024

M/W Xasan oo ka hadlay sida isbeddelka cimiladu u saameeyey Soomaaliya

Nairobi (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Meertada 6-aad ee Shirka Qaramada Midoobey ee Isbeddelka Cimilada Adduunka ee ka socda Kenya, ayaa ka hadlay sida isbeddelka cimiladu uu u saameeyey guud ahaan Adduunka, khatarta uu ku leeyahay nolasha shucuubta iyo caqabadaha gaarka ah ee ka soo gaaray shacabka Soomaaliyeed.

“Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka saameynta ugu badan ay ka soo gaartay isbeddelku cimiladu. Dhawaan waxaan ka soo baxnay abaar na haysatay muddo 4 sano ah oo xiriir ah, hadda waxaa dalka dhan laga dareemayaa heer kulayl aan horey loo arki jirin, dhammaan arrimahan waxaa sababay isbeddelka cimilada”. ayuu yiri, Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dalalka ka qeyb-galaya shirkan ay la yimaadaan qorsheyaal ku dhisan iskaashi horseed u noqda wax ka qabashada saamaynta isbeddelka Cimilada, isaga oo adkeeyay in dalalku ay u sinnaadaan fursadaha maalgashiga ee wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka isbeddelka cimilada, isaga oo yiri;

” In si wanaagsan loo maareeyo, loona ilaaliyo badqabka deegaanka Soomaaliya, iyadoo dowladdeena ay ka go’an tahay arrinkaas, waxay xaqiijin doontaa in kheyraadkeenna baaxadda leh oo ay ka mid yihiin baddeenna, dhulka hodonka ah iyo xoolaha aan ku tilmaamannahay ay fursad u noqdaan shaqo abuurka, tamarta cagaaran iyo kobac dhaqaale ee dalkeenn iyo guud ahaan Geeska Afrika”.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xusay in uu Soomaaliya ay u nugushay isbeddelka Cimilada, isaga oo sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaarisay shuruucda lagu ilaalinayo deegaanka iyo qorshayaasha lagu fulin lahaa, iyadoo bartamaha sannadkaan dalka laga mamnuucayo bacaha iyo balaastiigga waxyeeleeya deegaanka, taas oo ay barbar socoto barnaamijka lagu dhireynayo Soomaaliya oo bilowday sannadkii 2022.

Qorshaha Soomaaliya ee ilaalinta deegaanka

Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay horaantii bishaan February go’aan lagu mamnuucayo Walxaha ka sameysan bacaha la isticmaalo halka mar laga bilaabo 30 June 2024, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka cimilada.

Sida lagu caddeeyay war-saxaafadeedka, Wasaaradda ayaa wada watashiyo la sameysay rugta ganacsiga Soomaaliyeed iyo khubaro aqoon sare u leh arrimaha ilaalinta deegaanka si looga hortago saameynta ay bacdu ku yeelan karto nolosha dadka iyo deegaanka.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in laga billaabo 30 June ee sanadkaan ay macnuuc tahay ka ganacsiga bacaha halka mar la isticmaalo, soo dajinta, ku farsameynta dalka, iyada oo looga digay dukaamada iibiya, iyo bulshada adeegsata.

Go’aanka Wasaaradda ayaa loo arkaa inuu yahay ku dayasho iyo lajaanqaadidda dalalka Bariga Afrika ee ay dhawaan Soomaaliya ku biirtay kuwaas oo horay u mamnuucay adeegsiga bacaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa la timid qorshayaal cusub oo looga hortegayo isbeddelka cimilada, waxaana markii ugu horeysay lagu soo daray xukuumadda Soomaaliya Wasaarad qaabilsan ilaalinta deegaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa billaabay ololaha Qaran ee doog looga dhigayo Soomaaliya, iyada oo la la beerayo  10 Malyan oo geed si loo dhireeyo dalka loogana hor tago isbeddelka cimilada.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa dhankeeda la timid istiraatiijiyadda lagu badbaadinayo deegaanka iyo duunyada iyada oo ka duuleysa barnaamijka Soomaliyada cagaaraan si looga hor tago aafooyina isbedelka cimilada

Wasaaraddu waxa ay Golayaasha Baarlamaanka hor geysay xeerka ilaalinta iyo maareynta deegaanka kaas oo wax badan ka tari doona arrimaha deegaanka.

Sidoo kale, Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa bishii October ee lasoo dhaafay ansixiyay sharciga dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada iyo Cimiladda.

Hay’addan waxay mas’uul ka tahay bixinta adeegyada Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada  dalka islamarkaana waa talo-bixiyaha koowaad ee dhanka farsamada ee Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ee ku saabsan arrimaha la xiriira Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here