Sunday, September 8, 2024

M/W Xasan oo Nairobi kula kulmay hoggaamiyaasha Kenya iyo Jabuuti

Nairobi (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Kenya dhiggiisa dalkaas Mudane William Ruto.

“Kulanka labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, adkeynta xiriirka diblomaasiyadda, shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee heer qaaradeed” sida ay Villa Somalia shaacisay.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo isaguna Nairobi u jooga ka qeyb galka shirka 6-aad ee golaha deegaanka ee Qaramada Midoobay.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Nairobi kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kala hadlay iskaashiga arrimaha saameynta ku leh labada dal oo ay ugu horreyaan arimaha amniga iyo ilaalinta xasilloonida gobolka”.

May be an image of 2 people and dais

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa maanta gaaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, si uu uga qeyb galo shirka 6-aad ee golaha deegaanka ee Qaramada Midoobay.

Shir-madaxeedkaan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro sidii loola dagaaalami lahaa isbeddelka cimilada, dhibaatooyinka ay nooluhu la kulaan iyo wasakheynta hawada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu iftiimiyo caqabadaha dhanka deegaanka ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka dhashay isbeddelka cimilada, iyo sidii xal waara loogu heli lahaa iyada oo la iskaashanayo.

Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa nabadda gobolka, xasilloonida, iyo horumarka , isaga oo muujin doona saameynta xun ee ficillada hal dhinac ah ay ku leeyihiin ka mira dhalinta yoolalka la hiigsanayo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa in uu kulamo laba geesood ah la yeesho madaxda iyo wufuudda kala duwan ee shirka ka qeyb geleysa isaga oo kala hadli doono xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada deegaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here