Thursday, September 19, 2024

M/W Xasan oo Nairobi uga qeyb galay shirka madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka

Nairobi (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka madaxda dalalka Afrika iyo Bangiga Adduunka ee ka socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya kusoo bandhigay qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku saabsan maalgashiga iyo in mashaariicda la maal-geliyo loo weeciyo dhanka kaabeyaasha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta ganacsiga dalalka Afrika ay aas-aas u tahay qorsheyaasha kobcinta nolosha dadka Soomaaliyeed ee danyarta ah, cirib-tirka saboolnimada iyo xaqiijinta hiigsiga horumarka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

“Soomaaliya marka loo eego dhaawac soo gaaray dhaqaalaheeda iyo Hay’adaheeda dowladeed, maanta waxaa muuqanaysa in ay aad u soo kabatay oo ka soo gudubtay marxaladdii aadka u adkayd, iyadoo cagta saartay dhabbaha xasilloonida dhaqaale, horumar bulsho iyo mid ganacsi. Saas oo ay tahay waxaan sii wadnaa qorsheyaal lagu xaqiijanyo soo kabashadaas dhaqaale iyo dhiirri-gelintiisa”. ayuu yiri, Madaxweyne Xasan oo khudbad ka jeediyay shirka

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boggaadiyay Madaxda Bangiga Adduunka dadaalka ay ku bixinayaan maalgelinta iyo awood-siinta dowladaha nugul, si xal waara loogu helo aafooyinka dib u dhigay nolasha shucuubta dalalkaas.

Wakiilo ka kala socda dowladaha Afrika, bulshada rayidka ah iyo dhalinyarada ayaa ka qeyb galaya shirka Nairobi kuwaas oo soo bandhigaya qorshahooda la xiriira horumarka mustaqbalka, waxeyna ku baaqaayan in ay ka helaan ururada caalamiga ah taageero dhanka maalgelinta ah si wax looga qabto shaqa la’aanta ka jirta qaaradda Afrika ee sababtay amni xumada iyo nolosha adag.

Hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya cirib tirka faqriga ayaa xoogga saaraya horumarinta qaaradda Afrika oo hadda hesha in ka badan 70% deymaha iyo deeqaha lagu kabo dalalka saboolka ah.

Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee hoostagta Bangiga Adduunka, waxey toboneeyo sano ka shaqeyneysay horumarka dalalka saboobka ah, iyada oo lagu taagero deyn iyo deeqo gaar ah oo lagu awood siinayo dhinacyada asaasiga u ah nolosha aadanaha sida caafimaadka, cuntada, korontada iyo warshadaha.

Hadda Hay’adda Horumarinta Caalamiga ( IDA) waxa ay taageertaa 75 dal oo ay ku jiraan 34 dal oo ka tirsan qaaradda Afrika kuwaas oo laga caawiyo barnaamijyada u horseedaya horumarka, kobaca dhaqaalaha, yaraynta farqiga iyo sinnaan la’aanta, iyo hagaajinta xaaladaha nololeed ee dadka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here