Monday, September 16, 2024

M/W Xasan oo su’aalo adag waydiiyay laamaha amniga kadib qaraxii xalay

Muqdisho (Dawan)- Kadib qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen dad tira badan, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud maanta kulan gaar ah la qaatay laamaha amniga, isaga oo waydiiyay, sida ay ku suurta gashay in uu dhaco weerarka gaystay qasaaraha ballaaran.

Madaxweynaha ayaa ka dhagaystay hay’adaha ammaanka warbixin ku saabsan weerarkii xalay ka dhacay xeebta Liido ee uu ka dhashay qasaaraha isagu jiray dhimashada iyo dahwaaca iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda.

Sida aan kasoo xiganay madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka hor dhigay weydiimo ku saabsan sida uu ku dhacay weerarkaasi, qaabka looga gaashaamankaro inuusan soo laabanin mar kale, isaga oo tacsi u diray dhammaan qoysaska iyo ehellada ku waayayd dadkooda weerarkaas.

” Weerarkii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ku qaadeen xeebta Liido waxa uu muujinayaa arxan darrada Khawaarijta iyo yoolkooda oo ah in ay meel kasta ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri, qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee Villa Somalia, iyada oo intaas lagu daray in dowladda ay ka go’antahay ciribtirka ururka Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dhameystirka guusha laga gaaray dagaalka ay dowladdu kula jirto Shabaab inay ku xiran tahay taageerada iyo wadashaqeynta shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay u midoobaan sidii dalka looga cirib tiri lahaa Al=shabaaab.

“Shacabka Soomaaliyeedow walaalayaal argagaxisada Khawaarijta ah ma kala jecla shacab iyo dowlad, dhammaanteenna waxaan agtooda ka nahay cadaw ay baneysteen dhiigooda. U midooba ciribtirkooda, garab u noqda ciidamada Qaranka oo soo sheega kuwa dhexdiinna ku dhuumanaya”. ayuu yiri; Madaxweyne Xasan

Madaxweynaha ayaa xusay in ujeedada laga leeyahay weerarada nuucaan oo kale ah ay tahay in lagu argagax galiyo shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna faray laamaha amniga dalka in ay feejignaan dheeraad ah u yeeshaan weerarada gaadmada ah ee lagu waxyyeeleynayo shacabka Soomaaliyeed.

Kulankaan ayaa yimid kadib qarax xoogan oo xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, iyada oo ay ku dhinteen in ka badan 32 qof, sida uu sheegay afhayeenka Boliiska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan.

Afhayeenka ayaa sheegay in goobta lagu dilay seddex ka mid ah kooxdi soo qaaday weerarka, iyada oo dhanka ciidamada amaanka ay soo gaartay qasaaro ah hal dhimasho iyo hal dhaawac.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxayna tilmaamtay in weerarka ismiidaaminta ah ay la beegsadeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ku sugnaa Hoteel.

Nawaaxiga Xeebta Liido ayaa caan ku ah Hoteelo iyo Maqaayado waaweyn oo inta badan loo nasiino tago xilliyada fasaxa iyo habeenadi, waxaana horay uga dhacay weeraro sidaan oo kale ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here